Wasiirka Caafimaadka oo Mashaariic horumarineed u dhagax-dhigay Deegaanka Sool-joogto oo booqashadeeda laba sanno ugu dambaysay

Sool-joogto (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Axmed Ciise (Xagla-toosiye), ayaa mashaariic horumarineed oo lagu kobcinayo adeegyada bulshada u dhagax-dhigay shacabka deegaanka Sool-joogto ee gobolka Buuhoodle.

Wasiirka Caafimaadka oo Mashaariic horumarineed u dhagax-dhigay Deegaanka Sool-joogto oo booqashadeeda laba sanno ugu dambaysayWasiir Saleebaan Ciise oo socdaal uu ugu kuur-galayo xaaladda caafimaad iyo adeegyada bulshada ee gobolka Buuhoodle maalmihii ugu dambeeyey ku marayey deegaannadaas, ayaa shalay xarun caafimaad u dhagax-dhigay shacabka deegaanka Sool-joogto, taas oo loo muddeeyey inay todobaad Gudihii dhismaheedu ku bilaab isla markaana muddo laba bilood gudaheed ah lagu hirgeliyo inay shaqayso Xaruntaas caafimaad oo loogu talo-galay in lagu daweeyo Carruurta, hooyooyinka Uurka leh iyo bukaanka kaleba.

Md Saleebaan Axmed oo warbaabinta kula hadlay goobta uu ka dhigayey xaruntaas caafimaad, ayaa sheegay inuu maalmaha soo socdo mashaariic noocan ah ka fulinayo deegaanada Sool-joogto ee gobolka Buuhoodle.

 

HALKAN KA DAAWO

SOMALILANDPOST.NET