Wasiirka Beeraha Somaliland oo Agabka Wax-soo-saarka Beeraha ku wareejiyey Beeralayda deegaamo ka tirsan Gobolka Maroodijeex

Hargeysa, 13 February, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta gudoonsiiyay deeq isugu jirta agabka lagaga shaqeeyo wax soo saarka beeraha beeralayda deegaanada Xaraf, Xagal, Xareed iyo Dhaboolaq  ee galbeedka Gobolka Maroodi jeex

Wasiirka oo ay weheliyaan madax ka tirsan wasaarada beeraha, aqoon yahano iyo hay’dda Concern World  Wide oo ay wada shaqayn leeyihiin wasaarada beeraha.

Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Somaliland Prof Faarax Cilmi Geedoole oo ka hadlay kulanka gudoonsiinta agabkan lagaga shaqeeyo dhinaca beeraha ayaa ku dheeraaday faa’iidada ku jirta sidii aynu isku filaansho dhinaca wax soo saarka ah u gaadhi lahayn waxaanu sheegay in sannadkii aynu ka soo gudubnay iyo kii ka horeeyayba uu faraq u dhexeeyay tacab soo saarka dalaga beeraha taas oo kala duwanaanshaahaasi uu ku yimid laba sababood oo kala ah dadaalka shaqo ee ay ku talaabsadeen beeralayda dalku iyo raxmada uu Ilaahay inagu gargaaray oo wax soo saarkeenii ka dhigtay mid aynu kaga badbaadno baahidii raashin ee uu dalkeenu u baahnaa, Wasiirku  waxa uu mahadceliyay hay’ada Concern World Wide oo ka dhabaysay balanqaadkeedii ku aadanaa ka qayb qaadashada horumarinta beeralayda dalka .

Prof Faarax Cilmi Geedoole waxa uu kula dardaarmay beeralayda qalabkan la gudoonsiiyay inay u diyaar garoobaan dadaal kii hore ka badan.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta deegaanka deeqdan la gaadhsiiyay ayaa u mahadnaqay Wasaarada Beeraha iyo Hay’ada Concern World Wide oo sannadkii la soo dhaafay gacan weyn ka gaystay tababarada kor loogu qaadayay aqoonta beeralayda isla markaana ka hawl galay sidii loo soo celin lahaa moosaskii beeraha u qabanayay biyaha.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net