Wasiirka Beeraha Oo Baaq Ka Soo Saaray Daadad Iyo Dabaylo Laga Cabsi Qabo

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa muwaadiniinta reer Somaliland ee ka ag dhaw xeebaha iyo Goobaha godan ee goobo la saadaaliyey in looga cabsi qabo daadad iyo dabaylo ugu baaqay inay digtoonaan gaar ah yeeshaan oo ay ka foogaadaan meelaha xeebaha ah ee badda u dhaw iyo meelaha taagaga ah.

Shir Jaraa’id oo ay wada jir u qabteen Wasiirka Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim iyo Agaasimaha Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Beeruhu Cabdiqani Yuusuf Cabdi ayuu waxa uu wasiirku ku faahfaahiyey cabsida laga qabo daadad iyo dabaylo saamayn ku yeesha dadka degan Gobolada Sanaag, Saaxil iyo Salal.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “ Bulshada waxaan ugu baaqayaa inay digtoonaan ka yeeshaan dabaylo iyo daadad saamayn ku yeesha meelaha togaga ah ee Bariga Somaliland iyo Meelaaha Xeebaha ah”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Meelaha Xeebaha ah dadka ka ag dhaw waxaan ugu baaqayaa inay ka fogaadaan meelaha togaga ah ee ay biyaha baddu soo gaadhi karaan, sidoo kale dadka dooxyada ama togaga meelaha ah ka ag dhaw ee Beeralayda ah, waxaan ugu baaqayaa inay agabkooda sida Mishiinada iyo wixii la mid ah kala fogaadaan oo ay meelaha taagaga ah tagaan”.

Warbixin ay waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Beeruhu soo saartay oo ay arrimaha Cimilada xilligan laga filan karo kaga hadashay ayaa waxa ay u dhignayd sidan:-

“Hordhac

Waxaa isbedel weyn laga dareemayey in cimilada wadanku sanadahan dambe isbedel mug weyni uu jiray, isbedelkaasi oo Xafiiska waxaad Saadaasha Hawadda ee Wasaaradda Beeraha u qaabilsan la socodka cimilada dalku uu ururiyey xog balaadhan mudadii Tobankii sanadood ee u dambeysey, iyadoo Xarumo lasocodka cimilada ahna laga sameeyey Gobolada iyo Degmooyinka dalka.

Isbedelkani oo dhinacyo badan taabanayaa ayaa waxaa ugu weyn in Roob yaraan baahsani sanadba sandka ka sii dambeeyey uu sii yaraanayey xaddiga, baaxadda iyo tayadda roobka, kaasi oo sababay in abaaro isdaba jooga ahi dhacaan tusaaale ahaan sanadkan 2015 roobkii Guga,Karanta iyo dayrtii oo iminka aynu badhtankeedii maraynaaba umay di’in sidii caadiga ahayd ama waagii hore lagu yaqaanay.

Roobka Dayrta Octber 2015

Roobkii Deyrta ayaa ka bilowday dalka 17 —20 .October .2015, kuna bilowday jawi fiican iyadoo roobab aad u laxaad badani ka da’een gobo-lada bariga gaar ahaan dhinaca Hawdka Buuhoodle oo waxyeelo gaadhsiiyey deegaano hoos yimaada Degmada WidhWidh. Halka wax roob ahi aanay ka di’in dhinaca Gobolada galbeedka Somaliland bishii la soo dhaafay.

 

Saadaasha bisha November 2015

 

Bilowga bishan November 02/11/2015 illaa 07/11/2015 waxaaa aad looga cabsi qabaa in ( CHAPALA Storms) oo Gobolada bariga iyo xeebaha Soma-liland la filayo roobab xoog lihi ka di’I doonaan oo sababi kara daadad badanwadanka iyadadoo feejignaan balaadhan la farayo guud sahacabka Somaliland gaar ahaana dadka ku nool xeebaha gobolada Sanaag,Saaxil,iyo Selel ee Jamhuuriyada Somaliland.