Wasiirka ArrimahaGudaha oo Markii ugu horreysay ka hadlay hawl-gallada D/Hoose ka Waddo Shaaricyada Caasimadda Hargeysa

Hargeysa, 04 March, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” ayaa Maanta faahfaahin ka bixiyay hawl galkii ay dawlada hoose ee Caasimadu ku banaysay Jidka Halbawlaha ah ee Xidhiidhiya badhtamaha Caasimada.

Waxa uu Wasiirka Arrimaha Guduhu ku dheeraaday sida ay daruuriga u tahay  in la habeeyo Shaaricyada  magaalada Hargaysa si ay u muuqato bilicdeeda.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) waxa uu sheegay inaanay jirin baahi kalifi karta in dadku ay soo galaan si ay ugu ganacsadaan wadada dhexdeeda taas oo khatar gelin karta sida uu xusay noloshooda Wasiirku wuxuu  bulshada u soo jeediyay inay fahmaan in Jidadku ay yihiin meelaha ummada ka wada dhexeeya isla markaana aanay cid gaar ahi sheegan Karin.

Wasiir Duur waxa uu hoosta ka xariiqay in talaabadan ay ka wada hirgelin doonaan Magaalooyinka Waaweyn ee dalka si loo soo celiyo bilicdii waxaanu intaas ku daray inay dadka u sameeyeen suuqyo gaar ah oo ay ku ganacsan karaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha mar uu ka hadlayay Markab u rarnaa Ganacsato Somaliland u dhashay oo koox budhcad badeed Somalia ahi ku afduubeen xeebta wadanka Cumaan ayaa ugu baaqay inay soo daayaan Markabkan maadaama oo uu u rarnaa ganacsato Somaliland ah.

somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net