Wasiirka Arrimaha Guduhu Muxuu Ka Yidhi Wixii ay kala Kulmeen Madaxda Dalka Jabuuti?

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay in aanay jirin muwaadiniin u dhalatay Somaliland oo loo gacan-geliyey waddamo shisheeye, balse ay socdaan baadhitaanno la xidhiidha falal amni-darro oo sababay in la hakiyo isu-socodka gaadiidka xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.

Muwaadiniin u dhalatay Somaliland oo lala xidhiidhiyey inay qayb ka ahaayeen weerar ismiidaamin ah oo dabayaaqada bishii shanaad laga fuliyey gudaha dalka Jabuuti, ayaa xukuumadda Somaliland u gacan-gelisay dawladda Jabuuti, kuwaas oo qaarkood lagaga qab-qabtay meherado ay ka shaqaynayeen oo ku yaala caasimadda.

Wasiir Waran-cadde oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu faahfaahiyey natiijada socdaal uu ku tagay dalka Jabuuti oo ay ku wehelinayeen Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Sirdoonka iyo Xeer-ilaaliyaha Guud, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen madaxweynaha Jabuuti iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada.