Wasiirka Arrimaha Guddaha Oo Iclaamiyay Xiliga Ay Magaalooyinka Dalka Uu Ka Bilaabmayo Ololaha Hagaajinta Bilicdda (Dhagaysi+Qoraal)

Hargeysa (SLpost)  Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa shaaciyay xaliga magaalooyinka dalka laga bilaabi-ololaha dib u hagaajinta bilicdda Magaalooyika Dalka.
Wasiir Waran-cadde oo maanta warabaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay in Maayaradda Magaalooyinka Dalka aya ka wadda-hadleen qorshihii lagu bilaabi-lahaa bilicdda Magaalooyinka Dalka.

 

Waran-300x297

 

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaanu la shirnay maayaradii magaalooyinka dalka oo aanu ka wada hadalnayn hawsha dib u habaynta bilicda magaaloyinka, waxaanu u sheegaynaa dadweynaha reer Somaliland iyo ganacsatadaba  in la bilaabi doono ololaha dib u habaynta bilicda magaaloyinka Somaliland bisha soo socota kowdeeda, waxaanan dadweynaha ka codsanaynaa inay u diyaar garoobaan sidii wakhtigaa loo bilaabi lahaa dib u hagaajinta bilicda, iyada oo ay wada shaqayn doonaan dadweynaha hawsha ka qayb galaya iyo dawladaha hoose ee magaalooyinka dalka” ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Cali-warancadde.

 

 

 

 

Wasiirku waxa uu intaas ku daray “Waxaan jecelahay inaan halkan ka sheego waxyaabaha I soo gaadhaya ee ay ka mida tahay in dawladaha hoose uu ka imanayo muran badan oo aad moodo inuu tartan ka dhex jiro, waxaan u soo jeedinayaa dhamaan xildhibaanada, maayarada iyo cid kasta oo ay masuuliyad saaran tahay  inay xurguftooda dib u dhigaan oo ay bishan u diyaar garoobaan sidii magaaloyinka horu markooda looga shaqayn lahaa iyo sidii bulshada idin soo dooratay u tusi lahaydeen inaydaan dalka u soo shaqo tagin balse aad u shaqaynaysaan,  sidaas awgeed nin walba waxa lagu qiimayn doonaa sida uu  uga qayb qaato ololahan, mudadaa ay hawluhu socdaana waxaan farayaa inay si wanaagsan oo walaaltinimo ah u wada shaqeeyaan wixii khilaafana ay dib u dhigtaan”  ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland.
Wasiirka Arrimaha  guddaha Cali Maxamed Waran-cadde oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “iyada oo  aanu doonayno in magaalooyinka waaweyn ee leh laamiyada in aynu dib u habayn ku samayno oo bilicdooda iyo qurxintooda aynu dib u bilawno, iyada oo aynu ka duulayno  wixii aynu qabsan karno oo ay ka mid taha inaynu bilicdeena hagaajisano,xashiisha inaynu iska xaadhno, iyo wax kasta oo aynu awoodi karno inaynu qabsano wixii aynu ka maarmi waynana aynu aduunka la kaashano”

Somalilandpost.net

Hargeysa