Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Xisbiyada Mucaaradka ku eedeeyey inay abaabulayaan falal amni-darro

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa wax laga xumaado iyo kicin dadweyne ku tilmaantay hadal uu maanta jeediyay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo xukuumadda ku eedeeyey inay ku hawlan tahay sidii ay u afduubi lahayd Doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo maalinta Berri yeelanaya fadhigoodii u horreeyey.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ayaa hadalkiisa maanta ku gooddiyey inay awoodda shacabka adeegsan doonaan waxa uu ku sheegay ‘haddii ay xukuumaddu isku daydo inay marin-habaabiso doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiillada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo daba-socda hadalka guddoomiyaha UCID, ayaa sheegay inay tahay arrin aan looga fadhiyin inuu guddoomiyaha Xisbiga UCID ku baaqo dhibaato iyo fawdo aan cidna faa’ido ugu jirin, balse waxa uu sheegay inaanay jiri doonin wax nabad-gelyo-darro ah oo dhici doonta.

Maxamed Kaahin oo shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa uu labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani ku eedeeyey inay abaabulayaan ficillo ka dhan ammaanka dalka. Waxa uu sheegay in shaqsiyaad ka tirsan labada xisbi oo ku andacoonaya in xukuumaddu xidh-xidhayso Xildhibaannada baarlamaanka ee garabka is-bahaysiga Mucaaradka ay ku hawlan yihiin falal amni-darro ah.