Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Xilka ka qaadamay Masuuliyiintii Degmada Mandheera qaar Cusubna magaabay

Mandheera, (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo Xoghaye fulineed u magacaabay Degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil, ka dib markii ay dhawaan Wasaaradda Daakhiligu shaqada ka joojisay saddex Masuul oo jagooyinkaa ka hayey Degmada.

Shaqo ka joojinta Masuuliyiintii hore ee Degmada Mandheera, ayaa ka dambaysay iska hor-imaad ku dhexmaray toddobaadkii hore qaar ka mid ah Beeralayda deegaanka iyo Askar joogay bar kaantarrool oo laga galo magaalada Mandheera. Kuwaasoo isku maan-dhaafay arrimo ka dhashay Cashuurta laga qaado Qudaarka ay Beeralayda Deegaanku soo saaraan, sida uu ku soo warramayo Weriye Yaasiin Jaamac Cali.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), qoraalka uu ku magacaabay Masuuliyiinta cusub Markaan arkay qodobada 18,aad ee xeerka tr 23/2003 xeerka gobolada iyo degmooyinka Markaan ogaaday baahida keentay in isbedel lagu sameeyo xubnaha guddida fulinta degmooyinka Markaan tixgaliyay madaxda,iyo odayaaasha ay khusayso arrinka degmadani, Xeeriyay qodobka 1,aad

Waxa masuuliyiinta halkan ku qoran loo soo magacaabay xilalka degmada Mandheera laga bilaabo taariikhda xeerkan sida hoos ku xusan Yaasiin Yuusuf Axmed-Gudoomiyaha degmada Mandheera. Aar Qaaddi Jaamac-Guddoomiye ku-xigeen. Cabdi Muuse Cilmi-Xoghaya Fulinta.”

Haddaba, haddaynu dib ugu noqono taariikhda degmada Mandheera waa Degmooyinkii uu aasaasay Ingriisku xilligii uu xukumayay Somalilan, waxaana ku yaalla Jeelka ugu wayn Somaliland oo u dhisay Ingriisku. Maayerka cusub ee shalay loo magacaabay Mandheera ayaa ah nin dhalinyaro ah, isla markaana muddo shan sano ah hore Maayer uga soo noqday isla Degmada Mandheera.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net