Wasiirka Arrimaha Gudaha oo hortagay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland kana horjeediyey Warbixin Dhinacyo badan

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha JSL Mudane Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa maanta hor tegay gudida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, warbixina ka siiyey xaaladda guud ee amniga dalka iyo Bilicda Caasimadda.

Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu warbixin ka siiyey Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland tababarada ay mudooyinkii u danbeeyay ay qaadanayeen cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland iyo ciidamo cusub oo dhawaan la qoray,isla markaana la barayo casharo ku saabsan la dagaalanka Argagixisada iyo baadhista dembiyada ku qaadanaya dugsiga tababarka Booliska ee Mandheera.

Mudane Duur waxa uu halkaasi ka sheegay inay wasaarad ahaan ay ku hawlan yihiin qorshayaal lagu doonayo in si habaysan loo qalabeeyo ciidamada Booliska taasoo ay ka qayb qaadanayaan sida uu yidhi dawladda Ingiriiska iyo weliba Hay’ada UNDP.

Abuuritaanka ciidanka difaaca Madaniga ayuu wasiirku ku sheegay inay tahay qorshayaasha ay sida aadka ah u danaynayaan si loo helo ciidamo u tababaran hawsha damdamiska, Xilli Ciidamada ilaalada xeebahana ay sidan  doonaan Magaca Booliska , hase yeeshee ay shaqadoodu ka duwanaan doonto.

Mudane Maxamed Nuur waxaa kale oo uu ka hadlay  Kordhinta Ciidamada Booliska iyo Adkaynta qalabayntooda amase agabka ay ku hawl galaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlayey halka ay marayaan hawlahii nabadaynta ee ay ka wadeen qaar ka mid ah gobolada dalka gaar ahaan gobolka Sanaag, wuxuu sheegay in hawshaasi ay u marayso meel wanaagsan isla markaana ay u hadhsan tahay oo keliya kala wareejintii magaha iyo waxyaabahii soo raacayay, waxa uu Wasiirku Cadeeyay in wasaaradda arimaha gudahuna ay qaybtii ay ku lahayd bixinta Magaha ay qayb ahaan dirtay isla markaanaa inta hadhay  hadda la diyaarinayo.

SLpost News/Hargeysa