Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay 340 ka tirsan madax-dhaqameedka dalka iyo Ujeeddada kulankooda ee wakhtigan

Hargeysa, 18 January, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” ayaa Maanta hoolka Shirarka ee Xarunta Wasaaradaasi kulan kula yeeshay in ka badan 340 oo ah madax dhaqameedka Somaliland .

Kulankan ayay Madaxda dhaqanku ku cadeeyeen sida ay u taageersan yihiin difaaca dalka, xoojinta nabadgalyada iyo wada jirka ummadda,Iyagoo Mawqif midaysan iska taagay arrinta Qadiyada Somaliland, adkaynta nabadgalyada, sugida xuduudaha iyo madaxbanaanida dalka.

hadal uu kulankaasi ka jeediyay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Md. maxamed Nuur Caraale “Duur” waxa uu ku sheegay in xukuumada somaliland ay ka shaqaynayso nabadgalyada iyo xoojinteeda, iskaashiga iyo wada jirka ummadda oo ah mida uu dalkani hore ugu soo caano maalay.

wasiirku waxaa uu  xusay in xukuumadu mar walba ay diyaar u tahay in wax kasta oo tabasho ah lagu dhameeyo wada hadal hase ahaatee wasiirku waxa uu cadeeyay in wixii xad gudub ku ah qaranimada iyo madax banaanida dalkan aan cidna laga yeelayn.

Mudane Duur waxa uu soo dhaweeyay dareenka shacbiga Somaliland ee ku aadan sida ay u diidan yihiin wax kastoo wiiqaya Qaranimada labaatan jirsatay iyo Masiirka ummada reer Somaliland ku go’aansadeen Dib ula soo noqoshada Qaranimadooda.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

wasiirku waxa uu ugu baaqay oday dhaqameedyada dalka somaliland in xukuumada lays garab istaago oo lagala shaqeeyo hawlaha sugida amniga ee ay wado.

Odayaasha, Cuqaasha iyo Waxgaradka Somaliland ayaa iyaguna tilmaamay muhiimada ay leedahay in laga wada tashado xaalada dalku uu haatan marayo, waxaanay cadeeyeen sida ay muqadaska u tahay difaaca dalka iyo sugida xuduudihiisu iyaga oo iftiimiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay xukuumada ku garab istaagaan adkaynta nabadgalyada, sugida xuduudaha iyo madaxbanaanida dalka jamhuuriyadda Somaliland.