Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay mawqifka xukuumadda ee Shir-beeleedyada, Masuuliyiinta Eedaha musuq u xidhan iyo falkii lagula kacay Guddomiye xigeenkii KULMIYE

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee JSL Mudane Maxamed Nuur carraale Duur oo maanta la hadlayey barnaamijka Maqal Dadkaaga oo ay Wasaarada Warfaafintu soo agaasinto ayaa daboolka ka qaaday inay joojiyeen Shirarka Beelaha, isla markaana waxa uu sharaxaad ka bixiyey halka ay marayso xaalada nabadgelyo ee dalka JSL, iyadoo sidoo kalena uu ka jawaabay su’aalo ay weydiinayeen dadweynahii soo xaadiray barnaamijkaas iyo qaar ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee daafaha caalamka.

Wasiirka oo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd xaaladda amniga ee wadanka ayaa sheegay in nabadgelyada dalku  ay Wakhtigan  tahay mid gacanta lagu hayo oo ay si wada jir ah ah uga wada hawlgalaan ciidamada amaanka iyo shacabka reer Somaliland, waxana uu wasiirku sidoo kale xusay in uu jiro cadow ay Somaliland leedahay, kaasoo loola dhaqmi doono qaab tilmaan u ah inuu cadaw yahay.

Mudane Duur waxa uu tilmaamay in sadex ciidan oo kala ah Booliska, ilaalada xeebaha iyo Sirdoonka ay hoos yimaadaan wasaarada arimaha gudaha, kuwaasoo ka hawl gala sugida amniga gudaha dalka.

Wasiirku waxuu cadeeyey in faro-gelinta wasaaradda ee nadaamka dawladaha hoose uu yahay mid ku qotoma inta sharciga dalku uga ogol yahay wasaaradda, waxaa kale oo uu wasiirku ka hadlay mas’uuliyiintii u xidhxidhnaa musuqmaasuqa waxa uu sheegay in marxaladoodu meesha ay hadda taagan tahay aanay wasaarad ahaan door ku lahayn, balse ay gacanta ku hayso maxkamadu, ciidamada booliskuna ay dhameeyeen kiiskooda.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la waydiiyay inay garawshiiyo ka bixinayaan falkii lagula kacay C.raxmaan C.Qaadir Faarax oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii 2aad ee Xilka Laga qaaday ee Xisbul Xaakimka Kulmiye waxa uu ku dooday inay laba arrimood isa seegeen kuwaas oo uu kula sheegay inay haboonayd in C.raxmaan C.qaadir markii uu dareemay in Xisbiga Kulmiye inaanay waxba u oolin, uu u banbaxo Mucaaridnimo waxaa kale oo Wasiirka Arrimaha Guduhu hoosta ka xariiqay in Mas’uuliyiintii goobtaas joogtay ay iyana hoos martay inay fursad u siiyaan inuu si xoriyad ah u hadlo isagoo meesha ka saaray in wax tacadi ama jidh dil ah aan loo gaysan ,Wasiirku Waxa uu intaas ku daray inay taas ka faa’iidaysteen dad aan goob joog u ka ahayn madashii kalfadhiga 3aad ee golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye .

Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” mar uu ka hadlayay halka ay marayso dhacdadii ka dhacday dabayaaqadii sannadkii tagay ee 2011-ka deegaanka Seemaal waxa uu sheegay in hawshaasi inteedii badnayd u soo dhamaatay laakiinse arrinta ugu culus ee u taalaa ay tahay sidii ay isu soo hor fadhiisin lahaayeen labadii dhinac ee mashaqadu kala gaadhay si loo kala guro wixii dhiig iyo Dhul ee u dhexeeya isla markaana lagu kala bogsado.

Wasiirka Arrimaha Guduhu oo wax laga weydiiyay in Xukuumada uu ka tirsan yahay ay diidan tahay in dadku sameeyaan banaan baxyo ay aragtidooda ku cabiraan gaar ahaana ururadii ku hadhay marxaladii ay ugu gudbi lahaayeen ka qayb qaadashada tartanka doorashada golayaasha deegaanka ayaa cadeeyay in Xeer uu inooga yaalo Abaabulka Mudaharaadyada waxaanu sheegay inay Sharci daro tahay dibad bax aan loo haysan wax ogolaansho ah kaas oo ay ka dhalan karto sida uu xusay rabshado khal-khal geliya nabadgalyada dalka waxa uu wasiirku tilmaamay in ururada ku hadhay qiimayntii ay gudida diiwaangelinta ururada siyaasadu sameeyeen ay xafiiska ugu keeneen dalab la xidhiidhi banaan bax ay dalbanayeen xiligaas oo sida uu sheegay uu abaabulka mudaharaadkani ka  socday  magaalada hargaysa isagoo intaas ku daray inaanu xal u arkin in lagu degdego qabsashada Mudaharaadada  maadaama aanay ummadeenu weli u bislaan.

Mudane Maxamed Nuur Caraale waxaa kale oo wax laga weydiiyay arrimo badan oo ku wajahan Siyaasada ay Wasaaradiisu qaranka uga mas’uulka tahay,Gudida uu xubinta ka yahay ee loo magacaabay arrimaha farsamo ee wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somalia iyo arrimo kale oo badan.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland C.laahi Fadal Iimaan,Taliyaha Ciidanka Difaaca iyo Ilaalada Xeebaha Admiral Axmed Aw Cismaan oo dhinacooda Jawaabo ka bixiyay Su’aalo ay ka qayb galayaashii barnaamijkaasi weydiiyeen,kuwaas oo salka ku haya hawlaha ay qaranka u hayaan.

Waxaa kale oo ku wehelinayay Wasiirka Madashan Su’aalaha furan lagu waydiinayay Maayarka Caasimada,Ku xigeenkiisa,iyo Xoghayaha Dawlada Hoose Iyo Taliyaha Waaxda Socdaalka.

Somalilandpost.net

SLpost News/Hargeysa