Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay hawlgallo ay Ciidammada Ammaanku shalay illaa xalay ka wadeen Caasimadda

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa ka hadlay hawlgallo ay shalay illaa xalay Ciidammada Boolisku ka wadeen Jidadka Baabuurta Xaafadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Caasimadda Hargeysa.
Hawlgalladaas oo ahaa kuwo lagu sugayo guud ahaanba nabadgalyada Caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo goobaha muhiimka ah ee dawladda ayey Boolisku ku hawlanaayeen 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey. Waxa la arkayay Boolis tiro badan oo si xooggan u baadhaya gaadiidka kala duwan ee magaalada u kala gooshaya. Baadhistan ay sameeyeen ciidanka Boolisku ayaanay dadweynuhu hore uga baran inay sameeyaan subaxda hore hawlgallo noocan oo kale ah oo xattaa lagu baadhiyo Haweenka indho-shareerka (Niqaamka) xidhan.
Waxa xusid mudan in shalay ay ku beegnayd sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay maalintii Qaraxyada waaweyn lala beegsaday goobo muhiim ah sida xarunta Madaxtooyada, Safaraaddii Itoobiya ay ku lahayd magaalada Hargeysa iyo Xafiiskii Hay’adda UNDP 29-kii October 2008.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa sheegay in hawlgallada Boolisku yihiin kuwo amni oo Ciidammada ammaanka Somaliland ay afar iyo labaatankii saacadoodba sameeyaan ay ka mid tahay. “Ciidanka arrintaasi (qaraxyadii ka dhacay Hargeysa) waxay bartay inaanay dib u seexan oo aanay nasan.” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.
Wasiirku waxa uu intaa raaciyey; “Waxaad arkaysaa baadhitaanno badan, isla markaa shacabku haka raallii ahaadaan, qofka la baadhayaa yaanu u arkin in isaga wax la yeelayo oo yaanu moodin in isaga loo jeedo.”
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), waxa uu shacabka ugu baaqay inaanu qofku isaga ka duwanaan muuqaal ahaan, waxaanu shacabka ka raalligeliyey baadhitaanka socda inay u dulqaataan, isagoo arrimaha ka hadlay waxa uu yidhi. “Laakiin ha dareemo in cadawgiisu dadka dhex socdo oo aanu muuqaal ahaan aanu ka duwanaan, markaa baadhitaanada habeen iyo maalin walba ku soconayaa, waxaan shacabka ka raali-gelinaynaa inay u dulqaataan arrintaas, waayo muuqaal iyo magaca midna kaagama duwana oo waakii geystay dhaawacyada waaweyn.” ayuu ku soo koobay hadalkiisa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur).

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net