Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Maayar-xigeenka Caasimadda Hargeysa oo Furay Mashruuc Iftiin-gelin Tamarta Cadceedda ku Shaqeeya ah oo loo Samaynayo Caasimadda

 

Hargeysa(SLpost)- Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa maanta xadhiga ka jaray mashruuca iftiin-gelinta caasimadda Hargeysa ee tamarta cadceedda ku shaqeeya, oo wasaaradda arrimaha gudahu maalmahii ugu dambeeyey ka waday wadada marta xagga dambe ee cisbitaalka Hargeysa.

Maayar-xigeenka caasimadda Hargeysa oo munaasibaddan furitaanka ka hadlay ayaa yidhi “Waxa aannu maanta hawsheedii ku jirnaa oo aannu furaynaa birihiina aannu taagnay laydh solar system ah oo wasiirka arrimaha guduhu ugu deeqay caasimadda. Runtii Waxtarkeedana la arki doono kii ugu dambeeyayna aan noqon doonin”

“ILLAAHAY baa mahadleh, waxaan u mahadnaqayaa maayarka iyo maayar ku xigeenka caasimadda oo runtii u tafaxaytay in ay caasimadda bilicdeeda wax ka badalaan oo annagana nagu dhaliyey in aannu ugu deeqno biraha solarta ah oo 2km ah isla markaana ah laydhka ku shaqaynaya tamarta cadceeda oo si casri ah loo dhigay” ayuu yidhi Wasiir Warancadde oo halkaa hadal ka jeediyay.

Si kasta oo ay tahay Mashruucan ayaa waxa ka soo baxaya warar sheegaya in madmadaw badani ku jiro islamarkaana ay isu seegeen wasaaradda arrimaha gudaha iyo Golaha deegaanka Caasimadu.

 

Wararka ayaa sheegaya ayaa sheegaya in labaddii cisho ee ugu dambeeyey uu khilaaf aad u cakiran soo kala dhex-galay dawladda Hoose iyo sida oo kale wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ku waasi oo isku maandhaafay sheegashada magaca cidda fulisay mashruuca oo uu wasiir Waran Cadde u diiday in lagu xuso magacooda, balse Maamulka iyo Maayirka Dawladda Hoose-na, ay ku andacoodeen in ay xaq u leeyihiin in ay sheegtaan hirgalinta mashruucan.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan, in Maayirka Caasimadda Hargeysa Md.Cabdiraxmaan Soltelko iyo xildhibbaano ka tirsan golahaasiba, aanay saaka ka soo xaadirin goobtii xadhiga lagaga jaraayey iyaga ku andacoonaayey in wasiir Waran Cadde uu faro-gelin qaawan ku hayo tan iyo maalintii loo magacaabay xilka wasiirnimo ee arrimaha gudaha Somaliland.

Waxaana wasiir Waran Cadde xadhiga ka jaristiisii mashruucan kula kaliyeystay Maayir xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Cago-weyne, kaasi oo la sheegay in uu hadda ku jiro isu soo dhaweynta khilaafka ba’an ee la xidhiidha xagga maamulka ee u dhaxeeya dawladda Hoose iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Somalilandpost.net
Hargeysa-Somaliland