Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Gaadhay Maraykanka oo uu Shirweyne Caalami ah kaga Qayb-galayo

Washington (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Esse Kayd iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Maraykanka ee Washington.

Weftiga Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ay ku wehelinayso Ergayga madaxweynaha Somaliland Dr Edna Aadan Ismaaciil oo maanta gaadhay dalka Maraykanka, waxa soo dhaweeyey Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin u dhashay Maraykanka oo u dhaq-dhaqaaqa qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, Wakiilka Somaliland ee Maraykanka Bashiir Goth, Guddoomiyaha Ururka Somaliland Recognition Advocate Dr Canab Riyo-raac iyo qaar ka mid jaaliyadda Somaliland ee dhaqan dalkaas.

Ujeeddada socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ku tagay dalka Maraykanka ayaa la xidhiidha marti-qaad Somaliland ka heshay wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, iyadoo oo toddobaadka dambe lagu wado inuu dalkaas ku qabsoomo shirweyne ay ka qayb-galayaan madax ka socota in ka badan 100 waddan oo lagu majeerto dowlad-wanaagga iyo nidaamka dimuqraadiyadda.

Toddobaadyadii u dambeeyey, waxa gudaha Maraykanka ka socday olole sal-ballaadhan oo ku saabsan qadiyadda Somaliland iyo Baaqyo dowladda Maraykanka loogu jeedinayey inay Jamhuuriyadda Somaliland ku marti-qaaddo shirka dalalka Dimuqraadiyiinta ah ee dunida iyo inay wax-ka beddel ku samayso siyaasaddeeda Bariga Afrika isla markaana uu maamulka Madaxweyne Joe Biden hoos u eego qaddiyadda aqoonsi-raadinta iyo Madax-bannaanida Somaliland.

Diblomaasiyiin xilal ka soo qabtay dowladda Maraykanka iyo Aqoonyahanno ka tirsan Ururro ka shaqeeya xidhiidhka iyo Siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka, ayaa maalmihii u dambeeyey warbaahinta Maraykanka iyo kuwa caalamka ku baahiyey warbixinno ku saabsan faa’iidada ay dowladda Maraykanku u leedahay xidhiidh iyo cilaaqad dhexmara Somaliland oo ku taalla gobol muhiim ah oo ay danaynayaan quwadaha adduunka sida Shiinaha iyo Ruushka oo loollan milatari iyo mid dhaqaale ka dhexeeyo Dowladda Maraykanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net