Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Faahfaahiyey Nuxurkii Kulankii Madaxweyne Biixi iyo Dhiggiisa Kenya

 

Nairobi (SLpost)- Madaxweynaha dalka Kenya iyo Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta yeeshay kulankii u horreeyey wada-hadallo muddo labada maalmood qaadanaya oo ay labada waddan kaga wada-xaajoonayaan xoojinta xidhiidhada dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Madaxweynaha Kenya, Uhurru Kenyatta oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda, ayaa madaxtooyada dalkaas ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada oo shalay gelinkii dambe ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi, waxaana soo-dhaweyn iyo qaabilaad maamuuskeedu sarreeyo kaddib ay labada dhinac kulankooda kaga hadleen arrimo dhowr oo khuseeya danaha labada waddan.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey arrimaha ay ka wada-hadleen labada madaxweyne. Waxa uu wasiirku sheegay inay jiraan kulamo heer wasiir ah oo qayb ka ah wada-hadallada labada dowladood.

Wasiirku waxa uu sheegay inaanu Safarka Waftiga Madaxweynaha Somaliland ee Madaxweynaha Kenya marti-qaaday khusaynin khilaafka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, waxaanu ku dooday inay Somaliland iyo Kenya keliya ka wadahadlayaan danohooda iyaga u dhexeeya.

Muuqaalka Hoose ka daawo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamig ah ee Somaliland oo faahfaahinaya kulankii labada madaxweyne.