Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo Safar Indho Indhayn Ah Ku Maraya Waddamo Ay Shirkadda Ballore Maamusho Dekadahooda

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis Ayaa U Baxay Safari Uu Ku Soo Indho Indhaynayo Qaabka Iyo Nidaamka Ay U Shaqeeyaan Dekeddaha Afrika Ee Shirkadda Balore Maamusho.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Aya Safarkiisii Ugu Horeeyey Ku Tagay Dekedda Ikwadoor Ee Dalka Gini, Taasoo Ka Mid Ah Dekedaha Ay Balore Maamusho, Waxaana Ugu Kuur Galayaa Qaabka Ay Shirkadda Balore Iyo Dalkaasi Heshiiska U Wada Galeen.

Lama Oga Dekedaha Kale Ee Afrika Ku Yaala Ee Uu Wasiir Biixi Soo Mari Doono Hase Yeeshee Sida Ay Hore U Sheegtay Xukuumaddu Waxa Kulankii Madaxweynaha Somaliland Ee Dalka Faransiiska Iyo Shirkadda Balore Ku Soo Heshiiyeen In Guddi Farsamo Oo Qiimaysa Dekedaha Ay Shirkadaasi Maamusho Soo Eegta Ka Hor Intaan Labada Dhinac Heshiiska Wada Galin.

Guddida Safarka Ku Wehelinaysa Wasiirka Lama Oga Tiradooda Iyo Xirfadoodaba Hase Yeeshee Waxa La Sheegay Martiqaadka Hawshan In Ay Shirkadda Balore Gadh Wadeen Ka Tahay Si Ay Hawshu Ugu Fududaato Labada Dhinacba.