Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Dalka ku soo Laabtay Kana Waramay Ujeedada Safarkiisa iyo Arrimo Kale

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal shaqo oo uu ku tagay wadamada Kiiniya iyo Itoobiya. Soo guryo noqoshadan waxa Dr. Sacad ku wehelinayey wasiirka gaashaandhiga JSL, Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya, xildhibaanno degmada Berbera ka tirsan iyo xubno kale oo ay ka soo wada kicitameen dalka Itoobiya oo ahayd lugta labaad ee safarka wasiirka arrimaha dibada.

Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka arrimaha dibadu waxa uu ka hadlay ujeedada safarkii uu hogaaminayey ee waddamada Kenya iyo Ethiopia oo uu ku sheegay in uu ahaa safar shaqo iyo isbarasho ah oo ay la soo yeelanayeen hay’adihii ay wada shaqaynta leeyihiin JSL, isaga oo xusay in hay’addihii uu la shaqayn jiray markiii uu joogay wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta uu ku soo wareejiyay soona baray wasiirka cusub ee wasaaraddaasi Mudane Cali Shoombe.

Wasiirku waxa uu ka jawaabay su’aalo dhawr ah oo saxaafaddu waydiisay waxaana ka mid ahaa dal kugalka Itoobiya ee baasaboorka Somaliland oo dhawaan la joojiyey dad bandanna u cadilan yihiin waxa uga qorshaysan iyo in ay ka soo wada hadleen wasaaradda arrimaha dibada ee Itoobiya. Wasiirka oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu yidhi “Sababta aannu Itoobiya u tagnay ayey ka mid ahayd arrinta dal kugalka Itoobiya , dalkeennu runtii dhibaato badan bay kala kulmeen sidii ay u tagi lahaayeen Itoobiya. Dad badan oo u baahan adeeg caafimaad baa jira, waxa jira arday helay deeqo waxbarasho oo dhibaato kala kulmay baa jira. Waannu kala hadalnay, runtii waxay kalsooni na siiyeen in ay wax ka qabanayaan arrintaas in ay wax ka qabteena waan filayaa”

Dhawaan xukuumadda Somaliland waxay hawada ka saartay oo ay hakisay laanta afka soomaaliga ah ee idaacadda VOA, iyada oo loo cuskaday in ay ka baxday sharci iyo xeer ay Somaliland la gashay. Waxa jira warar soo baxayey oo sheegayey in safaaradda maraykanka ee Nairobi fadhida iyo wasiirka arrimaha dibada Somialiland iyada oo ka wada hadlay sii daynta iyo sababta loo xidhay idaacadaas. Wasiirka oo arrintaas ka jawaabaya ayaa waxa uu sheegay in ay safaaradda wada kulmeen laakiin aannay markii hore ujeedada ay u kulmeen ka mid ahayn arrinta idaacaddu loona sheegay iyaga oo kulankoodu socdo, waxaanna uu wasiirku ku gaabsaday in arrinkaa wax laga waydiiyo shaqadeedana ay tahay wasaaradda warfaafinta JSL “Horta waan maqlay in la xidhay, laakiin sababaha lagu xidhay waxa ay u taalaa wasaaradda arrimaha dibada. Sida uu dastuurkeennu qorayana saxaafaddu waa xor laakiin dee sharciyaa jira, VOA waa hay’ad ajanabi ah oo waddankeena sharci kaga shaqaysa, sharciga ay jabisayna anigu hadda ma kuu sheegi karo laakiin waa arrin u baahan in laga waraysto wasaaradda warfaafinta. Safaaradda Maraykanka waannu kulannay, fadhi wanaagsan ayaannu wada yeelanay, laakiin annaga oo la fadhina ayaa loo soo sheegay in la xidhay, laakiin dee kolay la iskama xidhine sababta loo xidhay waa arrin la waydiin doono wasaaradda macluumaadka” ayuu yidhi Dr. Sacad.

Wasiirku isaga oo ka hadlaya lacagta qaadhaan bixiyayaashu siiyaan Somaliland, gaar ahaan kharashaadka lagu socodsiinayo diiwaangelinta codbixiyayaasha oo aan wali la soo dayn, islamarkaana ay jiraan kulamo ay waftiga Somaliland Nairobi kula soo yeesheen ayaa waxa uu yidhi “Dhawr jeer baannu kala hadalnay arrinkaa, gaar ahaan lacagta diiwaangelinta. Marbaa jirtay laga shiki qabay in ay lacagtu soo wada dhamaato, laakiin imika warkaanu hayno iyo kalsoonida lana siiyeyba waxa weeyaan in lacagtaasi diyaar tahay dibna aannay u dhacayn diiwaangelinta doorashadu”

 

Somalilandpost.net
Hargeys- Somaliland