Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia Oo Ka Hadlay Shirka IGAD Ee Muqdisho Ka Qabsoomaya

Muqdisho  (SL.Post) Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cabdisanaan X. Cumar Hadliye, ayaa sharaxay shir madaxeedka urur gobolkeedka IGAD ay bisha soo socota ku yeelanayaan magaalada Muqdisho.

 

 

 

Wasiirka Wasaarada arrimaha dibada  dowladda Soomaaliya Cabdisalaan X. Cumar Hadliye oo la hadlay warbaainta ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xilligan diyaar u tahay martigelinta shir madaxeedka IGAD oo la filayo in bisha soo socota Muqdisho uu ka furmo.

 

 

 

Wasiir Hadliye waxa kale oo uu sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta madaxda urur goboleedka IGAD oo la filayo magaaalada Muqdisho in ay soo gaaraan 5ta bisha  9aad.

 

 

 

Somaliland.post.