Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Sharaxay Sababaha Hor-taagan Aqoonsiga Somaliland 

Hargeysa  (SL.Post) Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey Caqabado kala duwan oo uu sheegay inay sal u yihiin aqoonsi la’aanta Somaliland iyo weliba Saxeexa ay Codsiga saxeexeen Hal Milyan, Koow iyo Labaatan Kun oo Qof oo reer Somaliland ah, kaasoo ay ku dalbanayaan Aqoonsi ay Beesha Caalamku siiso.

 

sacad(25)

 

“25-ka sannadood ee ay Somaliland gooni u taagnayd waxaan wanaag ahayn kumay soo kordhin gobolka iyo Geeska Afrika, tusaale wanaagsan baynu ahayn, kiis Maxkamad la geeyey iyo cid innaga cabanaysaa midna ma jirto 25-kaa sano, haddii la inna ictiraafana wanaaggeennu intaa way ka sii badnaan lahaa, saamayntiisuna way ka sii badan lahayd. Waxaa jira waddamo badan oo innala jecel in la ictiraafo, laakiin mararka qaarkood ka baqaaya maxaa lagu odhan doonaa? Isticmaarkii baad soo celisay baa lagu odhan doonaa, waddan xoog leh oo awood wax ku burburinaya ayaad tahay baa lagu odhan doonaa. Laakiin, hadduu waddan taageero wax xaq ah waxaan wanaag ahayn.” Soda ayuu ku dooray Wasiirku.

 

 

Wasiir Sacad oo sii sharraxaya caqabadaha aqoonsi la’aanta salka u ah, waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Haddaynu nahay Somaliland Aqoonsiga iyo Ictiraafka maynaan maal-gashan, ictiraafku waa shay qaaliya, innagana waxa la innooga baahan yahay inaynu maalgashanno oo qiimaynta iyo mudnaanta uu leeyahay aynu siinno. Innagoo ka shiidaal qaadanayna Codsigan Maanta inaynu caalamka meel kasta oo aynu ka joogno codsigan codsi la mid ah ay Qurbo-jooggeenna iyo Saaxiibbadood ka sameeyaan. Waxaynu u baahannahay inaynu abuurno Sanduuqa Ictiraafka, oo dadweyne iyo dowlad-ba aynu kaga qaybgalno oo Ganacsatada, dadweynaha iyo Qurbo jooggu ka qaygalaan, Miisaaniyadda lafteeda ugu yaraan Boqolkiiba Shan illaa Boqolkiiba Toban in loo qoondeeyo qadiyadda Ictiraafka…”

 

 

“Codsigan ay soo saxeexeen inta ka badan Halka Milyan ee Qof inaanu qolkan uun ku ekaannin ee aynu caalamka gaadhsiinno, Qaramada Midoobay gaadhsiinno, Midawga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Midawga Yurub iyo waddan kasta waa inaynu gaadhsiinno oo caalamku dareemo halkay dadkeennu ka taagan yihiin qaddiyadda gooni-isu-taagga iyo Ictiraafka, Caalamkana waxaan ka codsanaynaa inay tix-geliyaan Codsiga Dadka. Waxaanan uga digaynaa inay dhabarka innoo soo jeediyaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Sacad.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa