Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo Ee UK

(SL.Post) Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin kulan Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo u qorsheysnaa inuu la qaato madaxda xukuumada Ingiriiska, laakiin, booqashiisu ahayd nasasho iyo inuu dadkiisa la kulmo.

download

Dr. Sacad oo ku sugan London kana jawaabayey su’aal Weriye Maxamuud Walaaleye ka weydiiyey warar Warbaahinta qaarkood ku sheegeen inaanay dawladda Ingiriisku qaabilin Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu yidhi; “Ma jirin kulammo uga qorshaysnaa Madaxweyne Siilaanyo inuu la qaato Madaxda Ingiriiska, mana jirin marti-qaad uu ka dalbaday, wuxuu u yimi inuu dadkiisa la kulmo, kuna nasto halkan (London).”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo sii watay Jawaabta uu su’aasha kor ku xusan ka bixiyey, waxa uu intaa sku daray oo yidhi; “Markii ugu horeyseyna maaha ee madaxweynuhu sidan oo kale ku yimaado London. Madaxweynayaashu waxay leeyihiin fasax iyo nasasho. Madaxweynuhu dadkiisana wuu arkay, fasax nasashana wuu ku qaatay.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka qeybgeli doona kulan loogu magac-daray Ku-Baraarugga Kheyraadka Somaliland oo wada-xaajood iyo su’aalo lagu weydiin doono, soona qabanqaabiyeen Xirfadlayaasha Somaliland, sida lagu baahiyey eventbrite.co.uk.

Kulanka oo wakhtiga fiidnimada Isniintu soo galayso ka dhici doona Oxford House, London ayaa lagu sheegay in ardayda reer Somaliland iyo Xirfadlayaashu ka heli doonaan fursad ay ku weydiiyaan Wasiir Dr. Sacad arrimaha Bulshada iyo Siyaasadda, si gaar ahna diiradda loogu saari doono maalgashiga dibedeed, Aqoonsiga iyo Siyaasadaha Geeska Africa, Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland iyo kaalinta Qurba-jooggu ka qaadan karaan.

Madasha habeen-dambe, ayaa la filayaa inay ka soo baxdo talooyin ku aadan kaalinta lagu horumarin karo dhaqaalaha Somaliland, loona abuuri karo shaqooyin dhalinyarada waxbaratay ee dalka joogta.

 

Somalilandpost.net