Wasiirka Arrimaha Debedda oo ka hadlay Natiijada kulan Barlamanka Midowga Yurub ku casuumay Somaliland oo uu ka qayb-galay

London, 26 March, 2012 (SLpost)- Wasiirka arrimaha dibada Somalland, Dr Maxamed C/laahi Cumar, ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha uu kala hadlay baarlamaanka midawga Yurub oo uu kulan kula yeeshay magaalada Brussells ee caasimada Belgium.

Wasiirka Arrimaha Dibada oo haatan ku sugan magaalada London, waxa uu xusay inuu ku tagay magaalada Brussells casuumad ay ururka Midowga Yurub u soo fidiyeen Somaliland ,waxa uu Wasiirku sheegay in marti qaadkani uu salka ku hayay sidii ururka midnimada afrika uu Somaliland fursad ugu siin lahaa inay ku soo bandhigto sidii ay u dhagaysan lahayd qadiyadeeda .

Dr Maxamed C.laahi Cumar waxa uu tilmaamay inuu la kulmay ilaa boqol xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Midowga afrika gaar ahaan gudida arrimaha dibada isla markaana ay ka wada hadleen in beesha caalamku Somaliland aqoonsadaan ay u saamaxayso inay door muhiim ah ka qaataan amaanka iyo deganaanshaha gobolka geeska Afrika.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada ee Jamhuuriyada Somliland Dr Maxamed C/laahi Cumar, waxa kale oo uu sheegay in midawga Yurub ay Somaliland ka taageeraan arrimo badan oo ay ka mid yihiin  la dagaalanka argagixisada iyo meelaha kale ee u baahan in laga caawiyo, sida balaadhinta dhaqaalaha, kobcinta dimuquraadiyada taas oo abuuraysa ayuu yidhi hirgelinta  barnaamijyo shaqo loogu abuurayo dhalinyarada.

Warku waxa uu intaas ku darayaa intii aanu Wasiirka arrimaha dibada Somaliland ka soo kicitimin Caasimada dalka Bilgium ee Brussels inuu la kulmay wasiirka midawga Yurub u qaabilsan horumarinta Mr Andris Piebalgs, iyo sidoo kale xubno sar sare oo ka mid ah midawga Yurub.

Kulankan uu Dr maxamed C.laahi Cumar uu  la yeeshay guddida arrimaha dibada baarlamaanka Yurub ee uu ku soo bandhigay qadiyada Somaliland ayaa noqonaysa markii ugu horaysay oo masuul reer Somaliland ahi ka qayb galo shir noocaas oo kale ah.

Xubno ka mid ah guddida arrimaha dibada baarlamaanka midawga Yurub ayaa iyagana waxa ay ka hadleen sida ay u arkaan Somaliland iyo jiritaankeeda iyo muhiimada ay leedahay in midawga Yurub ay xidhiidh dhinacyo kala duwan leh la yeeshaan.

Ms Fiorello Provera, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka midawga Yurub ahna guddoomiye ku xigeenka guddida arrimaha dibada baarlamaanka Yurub, oo sheegtay inay ku faraxsan tahay marxalada ay Somaliland ku jirto taas oo xoojinaysa sida ay xustay inay dhiirigeliyan Maalgashi laga sameeyo Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net