Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Masuuliyiinta Ugu Sareeya Xagga Ciidamada Oo Maanta U Kicitimay Dalka Jabuuti +Dhageyso

Hargeysa(SLPOST)-Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade,,islamarkaana uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa maanta u kicitimay dalka Jabuuti. Weftiga ayaa u jeedada socdaalkooda ku sheegay mid khuseeya iskaashiga Xuduudaha iyo amaanka.

W-- A- Taliyayaasha

“Runtii sidaad la socotaan dalkan Jabuuti waa dal aynu Saaxiib nahay, aad iyo aadna aynu iskugu dheernahay, markaa waa lagama maarmaan marwalba in laga wada hadlo sidii la isku kaashan lahaa iyo sidii la iskaga war hayn lahaa iyo in Talooyinka la iswaydaarsado.” Ayuu yidhi Wasiir Cali Warancade oo warbaahinta la hadlay intii aanay Madaarka Hargeysa ka dhoofin.

Wasiirka Arimaha Guduhu waxa uu intaasi raaciyay “ Markaa Runtii arimo badan oo ay ka mid tahay dhinaca Nabad galyada, dhinaca iskaashiga Xuduudaha, dhinaca wada shaqaynta iyo sidii loo sii horumarin lahaa wada shaqaynta ayaan u tagaynaa, waana dal aynaan kala maarmi Karin, haddii ay tahay dhinaca labada shacab iyo labada dawladoodba.markaa aad iyo aadbaan ugu faraxsanahay inaanu dawladda jabuuti shirarkaasi la galo”.

Wasiirka oo wax laga waydiiyey muhiimada keentay in madaxda dhinaca amaanka u qaabilsan Somaliland Arimahaasi wakhtigan kala hadlaan Jabuuti wuxuu ku jawaabay “ Waa ahmiyadda Balaadhan ee annaga iyo jabuuti naga dhexaysa awgeed, markaa sidaas ayaanu weftigaasi ugu tagaynaa wixii nabad galyada khuseeyana waanu ka wada hadleen

Halkanka Dhageyso Codka

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland