Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo La Kulmay Wasiirka Arimaha Dibada Ee Ingiriiska

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa kulan la qaatay wasiirka arimaha dibada dhanka Afrika u qaabilsan dalka Ingiriiska.

Wasiirku waxa uu sheegay inay booqasho isbarasho iyo ka wada hadalka arimaha xidhiidh ee labada dal inay ka wada hadaleen, Waxaana isaga oo arimahn ka hadlaayay uu yidhi “Saaka waxaanu ugu tagnay siyaaro isbarasho iyo is waraysi wasiirka arimaha dibada ee Afrika qaabilsan, waxaanu ka hada hadalnay waxyaabo badan oo la xidhiidha dhanka dhaqaalaha iyo nabadgalyada iyo sida oo kale geedi socodka dimuqraadiyada, waxaanu ka wada hadalnay sidii labada dal ay isaga caawin lahaayeen amuurahaas oo dhan, si fiican ayuuna wada hadalkaasi noogu dhacay.”

https://youtu.be/i1nY-mQpLUM