Wasiiradii Shaqada Ka Tagay oo Ciidamo Ka hor joogaan xafiisyadii ay ka yaaceen

 

Hargeysa (SLpost) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa taliska Ciidammada Booliska Amar ku siiyey inaanay xubnaha Wasiirrada ah ee xilalkii ay hayeen iska casilay soo geli karin xafiisyada wasaaradihii ay mas’uulka ka ahaayeen tan iyo inta xilalka kala wareegayaan ciddii loo igmadaa. Sida uu wargeyska Hubaal ku helay xogo lagu kalsoon yahay oo la xidhiidha shir uu madaxweynuhu la yeeshay Talisyada kala duwan ee ciidammada dalka, waxa uu ku  faray in ciidammo la dhigo dhammaanba  xarumaha wasaaradaha masuuliyiintoodu is casishay, isla-markaana aan loo oggolaan inay  kasoo ag-wareegaan, maadaama is-casilaadoodu la xidhiidho farriin madaxweynuhu soo jeediyey oo kasoo horjeesteen.

Madaxweynuhu waxa uu muujiyey in xubnaha is-casilay ay suurtogal tahay inay ku  takri falaan hantida umadda ee  ay gacanta ku hayaan, maadaama haatan uu xumaaday xidhiidhkii ay madax-weynaha la lahaayeen, waxaana tallaabada xarumaha wasiirradaasi ka hawl-geli jireen lagaga mam-nuucay uu madaxweynuhu uga gol leeyahay sidii looga ilaalin lahaa inay saxeexyo hor leh sameeyaan kadib iscasilaadooda.  Taliyaha Ciidamada Booliska, ayaa arrintaas kaga jawaabay hawraarsan, waxana dhammaan wasaaradaha Mas’uuliyiintoodu is-casishay la dhigay Ciidamo Boolis iyo asluub iskugu jira, kuwaas heegan sare ku jirey, isla-markaana amar ku qaba inaan mas’uuliyiinta is-casishay goobahaas foodda gelin Karin. Xarumaha Ciidammada la dhigay ayaa waxa kamid ah, wasaaradaha Caddaaladda, Shaqada , Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta, Arrimaha Dibadda, Caddaaladda iyo Garsoorka oo iyada la dul dhigay Tiro katirsan Ciidamada Asluubta, maadaama Ciidankaasi si gaar wasaaradaas u hoos yimaadaan dhinaca shaqada. Hoggaanka hawlgelinta ee ciidanka asluubta Somaliland gaashaanle Sare Cabdi Xasan Caduur iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa hadhgalkii shalayba waxa ay la wareegeen xarunta wasaaradda caddaalada iyo arrimaha garsoorka oo ka mid ah wasaarradaha ay wasiirradoodu iscasileen. Wasaaraddan oo ciidanka asluubta xidhiidh wada shaqayni ka dhexeeyo isla markaana ay yaalaan xogaha amni ee xabsiyada dalka iyo maxaabiista ayaa taliska asluubtu la wareegay ammaankeeda, si aanay ugu dhicin baylah iyo bililiqo dhinacuu doono haka yimaadee ku timaada hay’adaasi.

Wararka qaarkood, ayaa sheegaya in xubno wasiirrada iscasilay kamid  oo shalay casarkii isku dayey inay wasaaradaha gudaha u galaan dib loosoo celiyey, maadaama ay halkaasi ku sugan yihiin Ciidamo amar culus qabaa. Sidoo kale waxa ay wararku sheegayaan in Baananka dalka ku yaalla iyo xarumaha Xawaaladaha lacagaha laga qaataba la amray inay ka digtoonaadaan inay lacag ku bixiyaansaxeexyada masuuliyiinta xilalka iska casishay, maadaama lagu tuhmayo inay Arrimo gaar u ah  u isticmaalaan Hantida umadda ee ay masuulka ka ahaayeen.  Waa markii ugu horraysay ee Taariikhda Somaliland xubno is casilay amar madaxweyne lagaga hor istaago gelintaanka xarumihii ay masuulka ka ahaayeen, waxana arrintani markhaati ka tahay in xubnahaasi  laga qabo shaki ah inay xatooyo xoolo umadeeda samayn karaan.

 

Source: Hubaal Media