Wasiirada Madaxtooyada iyo Arimaha Gudaha Oo Wada Hadalka Hogaamiyaha Khaatumo Caynaba U Tagay

Caynaba(SLpost)-Wasiirada madaxtooyada,arimaha gudaha iyo dib u dajinta ayaa magaalada Caynaba u tagay sidii ay wadahadalo toos ay ula yeelan lahaayeen hogaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh.

Sida oo kale Cali Khaliif iyo masuuliyiinta kala qaybgalaaya wada hadalada ayaa iyagana la filayaa inay dhanka Buuhoodle ay ka yimaadaan oo ay soo gaadhaan magaaladda Caynaba. inkasta oo aanay jirin warar rasmi ah oo arintaas ka soo baxay hadana waxa jira warar sheegaya in lada dhinac wakhtigan ay diyaar u yihiin inay fooda isku daraan wada hadalo toos ah.

IMG_F776D5-3752FA-476017-5B21AE-9901DA-CF3B86

Dhawaan ayay ahayd markii xukuumadu ay wada hadal ku soo xero galisay Suldaan Waber oo isaguna ku kacsanaa Somaliland isla markaasna ka samaystay fadhiisin duleedka gobalka Awal oo u talawsan dhanka Itoobiya.

Somalilandpost

Caynaba Somaliland