Wasiir Xirsi: Waayihiisii Xornimada S/Land Kaddib iyo Wakhtigii Komishanka – Qaybta 3aad

Wasiirka Madaxtooyada
Wasiirka Madaxtooyada
Wasiirka Madaxtooyada

Kolkii ay dhammaadeen hawl-galladii dib-u-xoreynta qaran waddankuna la soo laabtay gobannimadiisa, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ka mid noqday halgamayaashii hubka dhigay ee ku laabtay noloshii rayidnimo isaga oo bilaabay shaqooyin bulsho oo u badnaa dhinaca ganacsiga iyo horumar dhinaca waxbarashada ah, waa kan isaga oo xaajooyinkaas faahfaahinaya “Runtii markuu waddanku xoroobay 1991-kii waan iska dhigay qoriga waanan shaqaystay, si gaar ahna waxa aan u bilaabay inaan waxbarashadaydii dhallinyaranimo horumariyo markaa Burco ayaan wax ka bartay oo aan culuum diini ah iyo aqoon maaddi ah labadaba ku qaatay. Meherado kala duwan oo baayac-mushtari ah waan furtay, aniga oo isku dhex wada hawlahaas ganacsiga iyo cilmiga ayaan 1994-kii reer yeeshay, xilligaas dabadeedna waxa aan ku biiray DAHABSHIIL waxaanan u soo wareegay dhankan (Hargeysa)”.

Shaqooyinka uu wasiirku ka qabtay shirkadaha caalamiga ah ee Dahabshiil waxa uu kuu faahfaahiyay wareysi uu hore u siiyay Bah-weynta WEEDHSAN MAGAZINE waxaanu ku yidhi “Waxa aan ka hawlgalay shirkadda DAHABSHIIL oo aan ka gaadhay heerka u sarreeya iyo inaan maareeye (chief executive officer) ka noqdo Shirkadda Is-gaadhsiinta SOMTEL, waxa aan ka mid ahaa golaha (board) u sarreeya shirkadda, waxa aan noqday maamule laameed (branch manager), madaxa tiknoolajiyadda (IT) iyo dhammaan derejooyinka shirkadda”.

Haddii aynu intaas kaga gudubno shaqooyinkaas arrimaha bulsho ee uu soo qabtay wasiirku, markii koowaad ee magaciisa laga daalacday fagaareyaasha siyaasadda ee uu qabtay xil qaran waxa ay ahayd sannadkii 2007-da oo loo magacaabay xubnihii Xubnihii Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland halkaas oo uu ka qaybtay xilal ay ka mid yihiin Guddoomiye-kuxigeenka Komishanka Doorashada iyo Guddoomiyeha Guddiga diiwaan-gelinta iyo ilaalinta jinsiyadda. Si aad xog badan u durduurataan aan cod-baahiyaha ku wareejiyo Wasiir Xirsi oo ambaqaadka sooyaal halkaas inooga sii wada “Runtii xilligaas aan joogay komishanku waxa ay ahayd wakhti bulshadu ka wada dheregsan tahay oo sannadkii 2007-da ayaan ka mid noqday weliba bilihii saddexaad iyo afraad midkood ayay ahayd. Waxa aan xasuustaa xilligaa is-qabsi badan ayaa ka jiray komishanka xubintii Xisbiga KULMIYE-na muddo ayaa la sugayay, nasiib-wanaag xubintii la dhawrayayna aniga ayuu noqday. Baarlamaanka waxaa ka socday rabshad ay mucaaridku ku diiddanayeen laba xubnood oo kala ahaa Maxamed Cabdi Xaamud (Nine) iyo Muuse-madoobe. Dhacdo macruufa ayay ahayd, shan xubnood ayaa nalagu ansxiyay, labadaas xubnood way dhaceen. Xilligaa baarlaamanku wuu werwer badnaa oo waxa la is-lahaa mar haddii la diiday labadii xubnood ee dawladdu wadatay la diiday, adigana waa lagu hor istaagi waxaanan ahaa xubintii u dambaysay ee la ansixiyo. Nasiib-wanaag sidaasi may dhicin, markii golaha la i horgeeyayna waxa aan filayaa inay afar iyo konton mudane ii codeeyeen sidii ayaanan ku bilaabay shaqadii komishanka doorashooyinka qaranka, labadii xubnood ee la diidayna waa nalaga daba-keenay.

Xilligaas waxa aad u badnayd faragalinta dawladda ee komishanka, xagga xirfadda aqooneed ma jiro dugsi komishan oo laga soo baxaa laakiin waxa aad moodaysay inay qaar badani u janjeedheen dhinaca xukuumadda, markaa waxa aan isku dayay inaan ka shaqeysiiyo komishankii oo aan guddoomiye ku xigeen ka ahaa waxayse ugu darnayd markii Guddoomiyihii komishanku is-casilay ee meesha ka baxay (Maxamed Aw Yuusuf Axmed), waxaanu doorannay guddoomiye cusub (Maxamed Kabaweyne) laakiin sidii aannu filaynnay hawshii waxba iskama beddelin waxaana dhacday in isagana laga webiyo oo uu is-casilaad ku hanjabo.

Markaa waxa aan u dareemay inaanu komishanku xaggii shaqadiisa iyo dhinaca dawladda si wanaagsan u socon, Xirsi ahaanna waan kala fogaannay xukuumadda oo waxa aan maalin dhegaysanayay madaxweynihii hore (Daahir Rayaale Kaahin) oo ka hadlaya baarlamaanka, dhaqaalihii hawsha lagu wadi lahaana way diideen, xilligii aannu doorashada qaban lahaynna in aannu xaddidnana muran badan ayaa ka dhacay oo mar ayaa dib loo dhigay, mar labaad inay qabsoomaysaana may muuqan.. Waxa ugu dambaysay oo aannu isku seegnay diiwaan-gelintii cod-bixiyeyaasha oo shaqaale loo qorayay, anigu waxa aan qaabilsanaa gobollada bariga markii aan soo dhammeeyay hawshii ayaan u imi, waxaanan ogaannay in muran ka taagan yahay gobollada Galbeed oo aan hawshoodii ka faraxalan.

Xisbiyada mucaaridka ahina waxa ay bayaan ka soo saareen in aanay aqbalayn nin ku qornaa Galbeedka oo caaqil u ahaa jufada hoose ee madaxweynihii hore, laguna eedeeyay inuu yahay shaqaale dawladeed oo mushahar ka qaata Wasaaradda Arrimaha Gudaha dhinacna ah. Si adag baannu arrinkan uga wada hadalnay komishanka waxaanan u soo jeediyay inaan ninkan ka deynno, mar iyo labana shir jaraaid ayaan qabtay ayaan leeyahay ka daaya faragalinta aad komishanka ku haysaan. Kaddibna waxa ay komishanku iigu hanjabeen inay xilka guddoomiye ku-xigeenka iga qaadayaan, anna waxa ii fududayd inaan meeshaba ka tago”. Maxaa intaas kaddib dhacay? Talo noocee ah ayay Hoggaankii KULMIYE ka bixiyeen inuu Xirsi ka tago komishanka?

La soco qaybta afraad haddii Alle idmo

Cilmi-baadhe Siciid Maxamuud Gahayr