Wasiir Xirsi Oo Sheegay In Socdaalka Madaxweynuhu Yahay Fariin

Berbera(SLPOST):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii ugu horreysay maanta faahfaahin ka bixiye ujeeddada Safarka Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisu ku marayaan gobollada dalka, isla markaana waxa uu ka warramay waxyaabaha iyo goobaha aadka u soo jiitay intii ay Madaxweynaha iyo Weftigiisu safarrada ku marayeen gobollada Gabiley, Awdal, Selel iyo Saaxil.

1962834_1538097849749275_500715564_n

Wasiir Xirsi oo bartiisa uu ku leeyey Shabakadda Facebook maanta ku baahiyey qoraal uu kaga hadlayo arrimahaas, ayaa sheegay in Safarka Madaxweynaha ujeeddadiisu tahay mid wax qabad iyo weliba wax ka ogaanshaha xaaladaha dalka iyo dadka ku dhaqan gobollada Weftiga oo uu isaguna xubin ka yahay maray. Waxaanu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland qoraalkiisa ku bilaabay sidan:-

“Safarkii Gobolada Galbeedka Somaliland, Wuxuu Fariin iyo Cashar nool ka Bixinaya Xaalada Horumar, Amaan iyo Wax wada qabsi ee  ka jirta Dalkeena Somaliland. Muddo laga joogo maalmo koobaan illaa hadda waxaan ku jirnaa safar socdaal shaqo  ah oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waa safar isugu jira furitaanka Mashaariic horumarineed, dhagax-dhigga kuwo cusub, kormeerka iyo u kuur-gelidda xaaladda shacabka ku dhaqan dalkeenna Somaliland.

Waxaa xaqiiq ah in himilada siyaasadeed ee Xukuumadda maanta talada dalka haysa ay salka ku hayso hiigsiga horumar baaxad leh oo qarankeenu ku tallaabsado, si taas loo xaqiijiyana waxaa lagama maarmaan ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Waxaa hubaal ah in heer iyo horumar lagu gaadhi karo oo keliya marka la mideeyo awoodda qofka, qoyska iyo Qaranka, isla markaana la soo nooleeyo dareenka ku dhisan iskaa wax -u- qabso. Waxaa wax lagu farxo ah in maanta bulshooyinka ku dhaqan deegaannada kala duwan ee dalku dhammaan diyaar u yihiin in ay gacmaha is qabsaadaan, isla markaana ay ka go’an tahay in ay horumariyaan deegaanka ay ku dhaqan yihiin iyo guud ahaanba dalka ay ku noolyihiin

Waxaan ku faraxsanahay in markii u horraysay jidka isku xidha Borama – Dilla uu dhammaystirmay, isla markaana si fudud lagu soo gaadhi karo Caasimadda dalka ee Hargeysa. Wuxuu ahaa jid dhib badan ku hayey dadka iyo gaadiidka dhammaan shacabka Somaliland oo jid kasta waxaa manaafacsada dadka oo dhan, waa guul iyo gallad u soo hooyatay dadkeenna iyo dalkeenna

Waxaan ogsoonahay in aan leenahay xeeb dheer oo leh khayraad dihin una baahan in aan ka faaidaysano, si taas loo dhiirigeliyana, Waxaan soo marnay guud ahaan xeebaha galbeed ee dalkeena oo ay kamid yihiin Zaylac, Lughaya iyo Berbera oo aan hadda ku suganahay.

Waxaan dareen farxad leh ku soo dhawaynayaa bulshada u heellan in ay hirgeliyaan Dekedda Kalluumaysi ee Lughaya, Xukuumadduna waxay mar walba u taagan tahay caawinta cid kasta oo cudud iyo caqli horumarineed dalka ku soo kordhinaysa. Waxaan ku indho qabowsaday aragtida Jaziiradda Sacaada-diin oo ku taal badhtamaha Xeebta Saylac, waa goob ka mida kuna wanaagsan in laga dheehdo quruxda dabiiciga ah ee Allaah dalkeenna ku mannaystay.

Guud ahaan intii aan ku gudo-jirnay Safarkan shaqo, waxaad si dhab ah u dareemaysaa in dalkeenna Somaliland isaga oo aan beesha caalamka ka helin deeq iyo dayn midna uu leeyahay dal nabdoon, dawladnimo dhammaystiran iyo dad dareen waddaniyad badan leh. Wa Bilaahi Tawfiiq.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo qoraalkiisani noqonayo kii uu horreeyey ee uu kaga hadlo Safarka Madaxweyne Siilaanyo toddobaadkii hore bilaabay.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland