Wasiir Xirsi Oo Qodobeeyay Mashaariic Uu Madaxweyne Siilaanyo Xadhiga Ka Jaray

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay mashaariic kala duwan oo uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray inta uu ku guda jiray safarkiisa gobollada bariga Somaliland.

Wasiir oo qoraal uu soo dhigay barta Facebook-ga uu ku leeyahay ayuu ku qodobeeyay noocyada mashaariicda uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray, waxaanu u qornaa sidan:-

“Wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamud “Siilanyo” isla markaana aan ku wehelinayno tiro kamida golihiisa wasiirada ayaa maanta safar shaqo oo kormeer iyo xadhig ka jarida mashaariic horumarineed oo Waddooyinku uugu muhiimsan yihiin ah uugu baxay bariga dalka

Hadaba, dib u dhiska iyo dayactirka laga wado waddada isku xidha Hargeysa-Berbera-Burco-Sheekh ayaa u kala qabsoontay sidan hoos ku xusan:

Xamaas – Berbera = 36km xidhiidh ah oo dhamaaday
Berbera – Sheekh = 20 Km “Intii kalena gacanta lagu hayo”

Isku gayn waxa ilaa hadda qabsoomay 56Km oo kamida 70km oo horay looga dhagax dhigay Sanduuqa Horumarinta Somaliland qaybtiisa Waddooyinka “SDF” taasi oo muftaaxeedu ahaa kadib markii wakaaladda horumarinta waddooyinka oo hoos timaada Madaxtooyada Somaliland ay ku dhiiratay bilowga dayactirka jidka isku xidha Caasimada iyo Marsada dalka.

Waxaa sidoo kale Bushaaro ah in aan haysano balanqaadka dhismaha iyo dayactirka jidka isku xidhi doonaa Sheekh – Laasacaanood iyo sidoo kale dhismaha 6 Bridge oo loo qaybin doono dhamaan dooxyada dalka sida ay u kala baahida badan yihiin.

Talaabooyinkan oo ay xukuumadu gadhawadeen ka tahay iyadoo caawin ka helaysa sanduuqa horumarinta Somaliland ayaa imanaya kadib markii hufnaan shaqo iyo dhiiranaan maamul laga arkay xukuumada Somaliland oo kaashanaysa shacabkeeda horumarka u heelan.

Waxaa hubaal ah in dhismaha waddooyinku kaalin wayn ka qaataan kor u qaadida ganacsiga, adkaynta amaanka, iyo abuuritaanka fursado shaqo.

Waxaa xusid mudan in lacagtii loogu talo galay dhismaha 56-ka km ee ilaa hadda qabsoomay aan badbaadinay “Save” ku dhawaad 2million oo doolarka maraykanka ah taasi oo ku timid khibrada ay wakaaladda horumarinta waddooyinka oo hoos timaada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland u leedahay dhismaha waddooyinka iyo tashiilka maamulka gacanta ku haya iyadoo aan marnaba laga tanaasulayn tayyada raandhiiska leh “waa astaan wanaagsan oo soo jiiidatay cid walba oo xiisaynaysa in ay wax inala qabato”

Shacabka reer Somaliland waa cudud caafimaad qabta isla markaana uu hogaaminayo caqli cilmi badan kaashanaya.”

Wa Bilaahi Tawfiiq