Wasiir-xigeenkii Hore ee  Ciyaaraha oo Sharaxay Dib u Dhaca Ciyaaraha, Xilkiina Wareejiyay

Hargeysa(SLpost)-Wasiir-xigeenkii hore ee wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha  iyo dalxiiska, imikana ah wasiir-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Mudane Yuusuf Cismaan Garas ayaa maanta wareejiyay xilkii wasaaradda ciyaaraha.

 

Wasiir Garas waxa uu ka sheekeeyay waxyaabihii ay qabteen intii uu xilka hayey, waxa uu sheegay guulaha ay wasaaraddu gaadhay intii uu joogay in ay sumcad u soo hoysay wasaaradda. Waxaana uu sheegay in wareeggii labaad ee ciyaaraha uu dib u dhac ku yimid islamarkaana la qorsheeyay in la qaban doono fasaxa yar ee teeramka hore ee dugsiyada oo ku began bisha koowaad, isaga oo waxyaabahaas ka hadlayana waxaa uu yidhi “Waxaanu ku guulaysannay in aannu la xidhiidhnay xafiiska ergayga qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha dhallinyarada.Ciyaaraha su’aal baa ka taala, maxaa lala qabanayaa ciyaaraha qaybtii dambe ee loo qaban laayahay? Markii aannu wadatashi dheer samaynay kadib markii uu wasiirka ciyaaruhu shaqada ka tagay, Waxaanu qiimayn ku samaynay aniga iyo guddi kale oo wasiirro ah sidii loo bilaabi lahaa ciyaaraha qaybta hadhsan. Waxaanu ogaanay in ciyaaryahanada wakhti badan kaga lummay, oo khallad farsamo oo annaga naga dhacay aawadeed aannu bilawnay wakhti iskuulada la dhigannayey. Agaasimaha iyo wasiirada cusub ee wasaaradda waxa aannu talo soo jeedin u siinaynaa in la qabto wakhtiga fasaxa iskuulada lagu jiro. Maadaama oo iskuulada la dhiganayo ayaannu dib u dhignay oo qorshaha aannu u dhignay ahaa in la qabto fasaxa yar ee iskuulada oo ku began bisha koowaad koobka intii ka hadhsanayd”

 

Waxa kale oo Garas ka hadlay siyaasadda qaran ee wasaaradda ka qabyo ah ee u baahan in la dhammaystiro, waxaana uu yidhi “Waxa iyaduna muhiim ah oo qabyo-qoraal ah oo u baahan in la dhammaystiro siyaasadda guud ee ciyaaraha ee qaranka. Waaxda dhallinyarada siyaasadeedu way diyaarsan tahay oo laba waaxood (Waaxda ciyaaraha iyo waaxda Dalxiiska) baan lahayn siyaasad qaran. Intii aannu qornay qabyo ahaan waxa ay yaalaan xafiisyada oo dhammaystirkeeduna uu idinka idiin yaal”

 

 

Somalilandpost, Hargeysa Office