Wasiir Xaglotoosiye Oo Shaaciyay In uu Yahay Musharax Madaxweyne-xigeen

Hargeysa(SLpost) – Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, Wasiirka caafimaadka Somaliland, horana u ahaan jiray hogaamiyaha kooxdii nabad-diidka ahayd ee SSC, ayaa maanta shaaciyey inuu yahay musharax u taagan jagada musharaxa madaxweyne kuxigeenka xisbiga Kulmiye.

 

 

Munaasibad loo qabtay ku dhawaaqistiisa musharaxnimo ayaa lagu qabtay Hotel Ambasador, isaga oo halkaasi ka sheegay inuu yahay musharax u taagan Jagadaasi. Waxa uu codsaday in loogu hiiliyo jagadaasi, isagoo sheegay in ay guushiiu hormuud u noqod doonto midnimada Somaliland.

 

 

Wasiir Xaglotoosiye ayaa ku soo biiray hirdanka musharaxnimada xisbiga Kulmiye, waxaana hore loo ogaa in madaxweyne xigeenka Somaliland mar labaad u taagan yahay jagada madaxweyne xigeenka, sidoo kalena ay ku dhawaaqeen xubno kale oo uu ka mid yahay Xildhibaan Indho-indho.

 

 

Mudane Xaglotoosiye oo ka mid ah wasiiradda ugu awoodda badan xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo ayaa calafkiisa ka qaadi doona shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo loo qoondeeyay inuu qabsoomo 10-ka bisha dambe, halkaasi oo lagu dooran doono musharaxa madaxweynenimo iyo kuxigeenka madaxweynaha.