Wasiir Xaglotoosiye oo Hambalyeeyay Dhiggiisii uu la Tartamayey, Sheegayna in Khaladaad ku Jiray Nidaamka Doorashada ee Xisbiga

 

Hargeysa(SLpost)-Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, waxaa ogolaaday inuu musharaxa madaxweyne xigeen ee Kulmiye noqdo 114  xubnood. Halka 230 Xubnood ogolaadeen Musharaxa Sayici, oo sidaa kaga guulaystay Xaglotoosiye, Waxaana uu Kulmiye musharaxa madaxweyne Xigeen u doortay Mudane Cabdiraxmaan Saylici.

 

Wasiir Saleebaan ayaa hambalyeeyay musharaxnimada Muuse iyo Cabdiraxmaan Saylici. wuxuu sheegay in hannaanka doorashada Kulmiye khalad badani ku jiro, wuxuuna madaxweynaha ku dhiiri galiyay in la saxo hanaanka doorashada Kulmiye mustaqbalka dambe, wuxuuse sheegay in midnimada Somaliland ka go’an tahay, isagoo sheegay inuu siyaasadda u da’ayar yahay.

 

Waxaana hadaladiisii ragganimadu ka muuqatay ka mid ahaa “Waan tartamay, waana la iga guulaystay, laakiin guul darradu mar bay guul tahay, nidaamka doorashada xisbiga oo khaladaad badan ku jiro ayaa u bahaan in mustaqbalka wax badan laga beddelo. Anigu han siyaasadeed baan leeyahay, waxaana iga go’an midnimada Somaliland, meel kasta oon u mari karo iyo si kasta oo aan ugu guulaysan karo waan samaysanaya oo waan sii wada Isha Allah. Dagaal aad u adagna waan u sii gelaya.”

“Murrashaxiinta maanta la doortay waxa aan leeyahay waa bilan ee tartanku ma dhammaan” ayuu yidhi Mudane Saleebaan Xaglotoosiye.