Wasiir Xagla-toosiye oo Talooyin Dhaxal-gal ah u Jeediyey Prof Cali Khaliif Galeydh (DAAWO)

XAGLATOOSIYEDubai (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa ugu baaqay Prof Cali Khaliif Galaydh inuu ka waan-toobo colaadda uu ka abaabulayo dalalka Qurbaha, kuna kicinayo bulshada deegaamada gobollada Sool iyo Buuhoodle, taas beddelkeedana uu ku daydo Karaamada iyo Sharafta uu qaatay Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

Dr Xagla-toosiye waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay u midoobaan ilaalinta iyo ka midho-dhalinta rabitaankooda ee ku wejahan inay aqoonsi iyo horumar u horseedaan dalkooda. Waxa kale oo uu soo jeediyey in shacabku ka waan-toobaan kudhaqanka aafada qabyaaladda oo uu sheegay in waktigeedii la soo dhaafay, loona baahan yahay in lagu midoobo Calanka Somaliland.

Wasiirka Caafimaadku waxa uu hadalkan ku sheegay khudbad uu ka jeediyey kulan isaga iyo Wasiirka Arimaha Debedda Somaliland Danjire Maxamed Biixi Yoonis la qaateen Jaaliyadda Somaliland ee Waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaas oo ku qabsoomay magaalada Dubia ee xarunta Ganacsiga Waddankaas.

DAAWO MUUQAALKA OO DHAMMAYSTIRAN

SOMALILANDPOST.NET