Wasiir Waranacade Oo Is-barbar Dhig Ku Sameeyay Haamaha Shiidaalka Berbera Waqtigan Iyo Cahdigii TOTAL

Berbera, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo khudbad ka jeediyay munaasibad uu xalay madaxweyne Siilaanyo xadhiga kaga jirayay shaybaadh casri ah oo loo sameeyay baadhista tayada shidaalka dalka imanaya, kaasoo laga hirgeliyay xarunta haamaha shiidaalka Berbera.warancade-200x200

Wasiir warancade ayaa majeertay waxqabadkaa masuulka ugu sareeya haamaha shiidaalka Berbera, isagoo is-barbar dhig ku sameeyay waqtigan iyo xilligii ay haamahaas shirkadii TOTAL gacanta ku haysay, waxaanu yidhi. “Maareeyaha haamaha shiidaalka Berbera waxaan u markhaati furayaa in waqtigii ay gacanta ku haysay haamaha TOTAL, iyadoo arkaysay in haamuhu yihiin hantida labaad ee dalku leeyahay marka laga reebo dekeda iyagoo dumaya oo liicaya, hase yeeshee wax ay ka qabteen aanay jirin, waxa muuqata inaan dalna loo dhaamin dalkiisa.”

Somalilandpost.net