Wasiir SYC Koore oo Farta Ku Fiiqay Cidda Sababta u ah Qalalaasaha Siyaasadeed iyo Amni-darrada Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore, ayaa magaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta u ah gobolka Sool ku sifeeyey meel hoy u noqotay qalalaase siyaaasadeed iyo nabadgelyadaro.

Wasiir Koore, wuxuu sheegay in sababta ay Laascaanood marka loo eego magaalo-madaxyada shanta gobol ee kale ee Somaliland ay ugu gaar noqotay qalalaasaha siyaasadeed iyo falalka amnidaro ay dadkeedu ugu wacan yihiin.

“Yaynaan la qabsan xumaanta iyo dhiiga, oo bulshadu ku noolaato argagax, waa in aynu nabadgelyada ka wada shaqayno oo gamcaha isu qabsano:” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo ka hadlayay shir lagaga hadlayay nabadgelyada gobolka Sool oo ku qabsoomay magaalada Laascaanood.

Wasiir Koore waxa uu sheegay in dhaqaalihii gobolka Sool wax loogu qaban lahaa ku baxdo nabadayn iyo wufuud u socota nabadayneynta, ciidamo iyo arrimo dhanka amniga ah, sidaa awgeed waxa uu ku booriyay Odayaasha iyo waxgardka in ay qayb weyn ka qaataan arrimaah nabadgelyada

“Waxaad mooddaa maadaama Bulshadeenu kasoo jeedo reer guuraa, waxa muuqata in aynaan fahmin in nolloshu dadka ka dhaxayso oo Biyaha, Caafimaadka iyo Waxbarashadda, markaa waa in la fahmaa haddii magaalo la wada joogo in nollosha la wadaago oo wax la wada yeesho,” ayuu yidhi, Wasiir Saleebaan Cali Koore.

Mar uu ka hadlayay arrimaha nabadgelyada ee gobolka, waxa uu sheegay in ay tahay arrinta ay u joogaan gobolka, isagoo xusay in meel wanaagsan ay marayaan arrimaha dhinaca amniga.

Somalilandpost.net