Wasiir Samaaloow, Waxaad Qarisay Waxa Ka Mid Ah … – W/Q: Cabdi Xaji Axmed

Maxamed Xaashi markuu Wasiirka noqday waxa ididiilo soo gashay shaqaalihii koluu salka dhigeyba uu boqolkiiba boqol u kordhiyey uuna balan qaaday inuu sidaas ku wadi doono. Waxa ayaan darro ah in kooxda wasiirada ugu tuka weyne ka diidiin ooy ahayd isku dhicii uhu horeeyey, iyagoo dalbay horta in Golaha Wasiirada la foodh yeelo.

Kolkii aad xilka la wareegtay Samaalow waxaad tidhi mushahrkii Wasiirku iguma filan oo waxaan qaadan jiray lacag 2, 300 doolar ah. Kolkiiba waxaad soo jeedisay in Wasiirada mushahrla mar labaad loo laban laabo. Daahir Riyaale waxuu ka tegey Wasiirka oo qaata 650 doolar, deedna Maxamed Xaashi oo shaqaalahoo dhan laban laabay ayaa ka dhigey 1,300 doolar bishii. Waxaad adigoo naftaada eegaay ka dhigatay musharkii Wasiirada 2,300 doolar bishii shaqaalihii danyarta ahaan ganbo umaad kordhin.

Waxa haddaba la yaab leh in mushaharka intaas la gaadhsiiyey halkii tirade Wasiirada la soo koobi lahaa iyana la kordhiyey. Waxa Siilanyo Golahiisu ka badan yahay kii riyaale oo uu laba dheer yahay. Haddaba Golaha Wasiirda ee Riyaale oo ahaa 52 ( Wasiiro, Ku Xigeeno, iyo Wasiir Dawlayaal) waxa ku bixi jiray bishii $ 33,800 doolar , Golaha Wasiirada Siilanyo waxa ku baxa 124,200 doolar bishii taas oo ka dhigan afar labanlaab tii Riiyale.

Siilanyo haddu ummadda u naxaayo sidan ma yeeleen, isagoo ku hadaaqi jiray waxaan dhisayaa dawlad teyo leh oo kooban. Hadduu ku deyn laha tirade dawladii uu soo dhisay bilowgii oo ahayd 26 xubnood waxa umaada u baaqn lahaa 63,000 doolar bishii.

Samaale iyo Xirsi iyo dhammaan wasiiradu walaba kuwa aamusan ee aynu sacabka u tuna sida Dr. Sacad iyo Xuseen Gurayga Macdantu waxay ka siman yihiin inay u diriraan jeebkooda danta guudna ka aamusaan. Labadan aqoon yahan waxaan u soo qaatay jaceyl aan u qabo oo waan kala hanweynaa qaar ka aamusa danta guud iyo dareenka shacbiga, waxaan ka doonaayey inay ku dhiiradaan inay Samaale iyo Xirsi ka qabtaan hantida ummadda iyo malafsiga, waxaan ka filaayey inay hoos u eegaan danyarta iyo inay qorsha ay qoreen ku xakameeyaan khrashan aan sal fadhiya lahay.

Haddii Golaha laga waayo cid qaladka gudaha ka sixi weyda waxa soo bixi cid debedda ka saxda.

Saamale iyo habdhaqankiisa miisaaniyadda waxaan idinka haya warbixin xiise leh oo uu ii soo gudbiyey sarkaal ka tirasan Wasaaradda Maaliyaddu, meelaha qaar oon iska hubsanaayo ayan dib ugu celieyey suaalo intaas aan sugayaa.

DADKA KII DHARGAA U DARAN DILAAL IYO MALAAL IYO DIBU SOCODNA WAA ISAGA

WAA DANAYSTE BAL DAYE MA DOWBA MA WAX LOO DUL QAATAA.

 

Cabdi Xaji Axmed

hargeysawwi@gmail.com