Wasiir Samaale waxa ku Fashilmay inuu Taako ku daro waxqabadkii Maxamed Xaashi, hadimo mooyaane – W/Q: Jibriil Mahamed

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa labadii sanadood ee uu xilka hayay ku guul daraystay inuu Mashruuc qudha oo Umadda caam ahaan u anfaca fuliyo, halka wasiirkii ka horeeyay lagu majeerto dhamaan waxyaabaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku faanto ee dalka ka hir galay saddexdii sanadood ee uu Kulmiye talada hayay.

Akristeyaal Wasiir Samaale oo sida beryahan dambe ka muuqatay u ham iyo dig lahaa sidii uu shanta sanadood ee soo socda madaxweynenimo ugu tartami lahaa, ayaan ilaa wax qabad iyo talaabo uu ku faano inuu fuliyay jirin, iyadoo la ogyahay in intii uu xilka hayay dalka ay soo gashay lacag xadigeedu aad u badan yahay oo aanu maamulkeedda fursad u helin wasiirkii ka horeeyay ee Maxamed xaashi.

Arrintaa ayaa ku timi laba arrimood oo kala ah inaanu aqoon iyo waayo aragnimo Maamul lahayn wasiir  Samaale, isla markaana aanu jirin wax qorshe ah oo uga yaala wax ka qabashada baahiyaha kala duwan ee dalka ka jira, kuwaasoo wuxuu ku sii daro mooyaane aanu gambo ka qaban, siyaasad la’aan awgeed.

Arrinta labaad ayaa ah inuu hada iyo jeer shaqada loo igmaday kaga mashquulsanyahay dano shakhsi ah iyo Xisbiga Kulmiye hogaankiisa u noqon lahaa sanadaha soo socda, sida laga wada dheregsanyahay, loolankiisana loola wada socdo awgeed.

Maadaama sidii aan hore qormadan ugu soo sheegay uu yahay Masuul qabyaalada iyo qof jeclaysi ku soo dhex tuuray wasaaradda, arrintaasi waxay sababtay inay meesha ka baxaan nidaamkii iyo kala dambeyntii wasaaraddu, isla markaana xaalka wasaaraddu noqdo meel jaantaa rogan ah oo shaqaaluhu siday doonaan yeelaan.

Hadii aynu eegno Lacagaha ka baxsan Miisaaniyadda ee dalka soo galay intii uu xilka hayay, waxa ka mida Malaayiin Dollar oo Xaqu-qalin looga qaaday Shirkaddaha Mashaariicda Shidaalka iyo Bacdan baadhista ka bilaabaya dalka, kuwaasoo lagu wareejiyay lacag toban Milyan ku dhadhow oo ay bixiyeen.

Tusaale ahaan, Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu waxay ku wareejisay ama hadii aan xataa lagu wareejin ay heshiisyo la gashay, dabadeed lacago horumarina laga qaaday Shirkaddaha kala ah.

Genel Energy oo laga qaaday lacag Shan Milyan oo Dollar ah, taasoo heshiis Sahamin Shidaal ah la gashay Xukuumadda, Shirkadda kale ee ee OPHAR ENERGY ayaa iyaduna bixisay Lix Boqol oo kun oo Dollar, Shirkad kale oo Yemen laga leeyahay, ayaa iyaduna dhawaan Heshiis Macdan baadhisa la gashay xukuumadda taasoo Iyana bixisay Hal milyan iyo Sagaal Boqol oo Dollar.

Waxa intaasi dheer oo aan la hilmaami Karin inay Somaliland heshay intii uu Samaale wasiirka ahaa Kaalmooyin Caalamiya oo ay beesha Caalamku markii ugu horaysay toos u siisay Somaliland, kuwaasoo inta la hubo saddex Milyan oo horumarin ah sanadkii hore Xukuumadda soo gaadhay.

Dhamaan Mashaariicdaasi oo toos ugu dhacay Khasnadda dawladda,lana filayay in dalka iyo dadka wax loogu qabto ayaan meel ay ku dambeeyeen la ogayn, sababtuna ay tahay Wasiirka qaranka u qaabilsan jaangoynta Dhaqaalaha dalka soo gelaya iyo qaabka loo kharash garanayo oo aan ahay Masuul karti iyo aqoon u leh isku duba ridka Mashaariicda lacageed ee dalku helay iyo sida wax loogu qaban karo.

Sidaasi darteed , inkasta oo shacbiga Somaliland filashadoodu ahayd in wax loo qabto, lana horumariyo adeegyada Bulshada, shaqo abuurista iyo Kaambeyaasha dhaqaalaha, taas bedelkeeda waxa muuqata in wasiirkani kashifayo waxyaabihii xukuumadda u qabsoomay sanadkii uu wasiirka Maaliyadda ahaa Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka wax qabad badnaa Samaale.

Sida laga wada ogyahay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo markii ay talada la wareegtay, waxay xukuumadii Rayaale kala wareegtay Malaayiin lacaga Dayn ah iyo dhaqaale xumo halkii ugu xumayd maraysay, hadana iyadoo ay sidaasi jirtay waxay ku guulaystay inay sanadkii ugu horeeyayba ku guulaystay saddex arrimood ilaa maanta laga dhaqaajin kari waayay wax qabadka muuqda ama loo aayay ee dalka ka hana qaaday.

Saddexda qodob ee ugu muhiimsanaa wax qabadka xukuumadda Siilaanyo ee ilaa hada bulshadu ku amaanto ayaa kala ah, lacag ka bedelkii Gobolka Togdheer, Mushahar kordhinta Shaqaalaha dawladda iyo lacagta Fee-ga ah ee laga dhaafay Ardayda Dugsiyadda Hoose dhexe, saddexdaa mashruuc mid ka mida ma jiro wax la mida oo wasiir samaale  fuliyay.

Waxyaabaha kale ee intii Maxamed Xaashi xilka hayay qabsoomay ama xukuumaddu hir gelisay waxa ka mida Mishiinka Kelyaha lagu sifeeyo ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa la keenay oo isagoo saddex sanadood halkaa yaalay oo lacag qalab ka dhinaa iyo daawooyin loo soo siiyo loo waayay, Maxamed Xaashi Miisaaniyada ugu daray, isla markaana bixiyay lacagtii lagu kiciyay.

Marka taasi laga yimaado waxyaabaha muuqda ee uu ku fashilmay ama ku guul daraystay inuu fulintooda horseed ka noqdo maamaa uu yahay Wasiirka Lacagta dawladda, waxa ka mida Mashaariicdii ku jiray Miisaaniyadii 2012-2013, taasoo mashaariicdii ku jiray Dhismaha Wasaaradda Ciyaaraha mooyaane,wax kale oo ka fulay aanay jirin, taasoo ka sekow gaabiska iyo Maamul xumadda dhaqaalaha dalka soo galay kala kulmay, dhaawac iyo dhabar jab ku ah Xukuumadda.

Mashaariicdaasi hadii aynu wax ka tilmaano waxa ka mida kuwo loogu talo galay horumarinta Gobollada Bari, Cisbitaallo laga dhisi lahaa Wajaale iyo Buuhoodle iyo Cisbitaalka TB-da ee Caasimadda Hargeysa.

Habada marka intaasoo arrimood iyo kuwii aynu ku soo qaadanay qormadeenii hore la eego, miyaanay iska caddeyn inuu Wasiirkani guul-darooyin iyo faashil xukuumadda iyo qaranka u horseedeyn, hadaanu madaxweynaha qaranku dhakhso xilka uga wareejin, kuna bedelin qof aqoon iyo waayo aragnimo u leh siyaasadda dhaqaalaha iyo wasaaradda Maaliyadda oo ah Hay’ad laf dhabar u ah dal kasta oo aduunka ka mida.

Anigoo Su’aashaasi jawaabteeda u dhaafaya akhristeyaasha, waxaan qormadeydan ku soo gunnaanadayaa Maanta Madaxweyne wasaaradda Maaliyaddu waxay u baahantahay gurmad deg deg ah, hadii kale xalinta Mushkiladaha dhaqaale ee dalku waxay noqon doonaan kuwo ,,,

Jibriil Mahamed

Xandule01@Gmail.Com