Wasiir Samaale oo Markii u horeysay Intii uu Xukuumadda ka tirsanaa Luuqad Qallafsan kula hadlay Axsaabta Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa tan iyo intii uu xilka wasaaraddaas hayay markii u horreysay si adag uga jawaabay dhaliilaha ay mucaaradku ku duraan xukuumadda uu ka tirsan yahay, ka dib markii ay todobaadkan Axsaabta mucaaradka ah iyo siyaasiyiin Madasha Wada-tashigu go’aan midaysan ka gaadheen waxa ay yeelayaan haddii doorashadu wakhtigeeda dib uga dhacdo.

SamaaleWasiir Samaale waxa uu xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiinta madasha Wada-tashiga ku tilmaamay siyaasiyiin guul-darraystay oo dariiq jid qaldan u maraya inay ku hantaan hoggaanka dalka looga taliyo, isaga oo ku dooday inaanay lahayn haykalkii ay majaraha ugu qaban lahaayeen hoggaaminta dalka.

Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay warbaahinta dawladda ugu warramayey Xafiiskiisa, isaga oo dhinaca kalena ka hadlay diyaar-garow ay xukuumaddu ugu jirto sidii ay u qaban lahaayeen doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadka soo socda.

Wasiirka oo ka jawaabayey dhaliilaha Mucaaradku ku dareen xukuumadda uu ka tirsan yahay, ayaa yidhi, “Qofku waxa loo baahan yahay waxa uu sheegayo inuu ku dhiso wax un ah, inuu hadal layska yidhi uun maaha. Hadday dhacdo in Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyaddii 2015-ka oo hawshiisa ay hadda waddaa, ay ka soo bixi weydo doorashooyinkii, dawladda waa lagu dhaliili karaa, haddiise aanay jirin, waa dhaliil loo meel waayey, waa qof ceebayn iyo cambaareyn wada, waa qof xilkiisii garan-la’a oo qof xilkiisii gutay ceebaynaya.”

“Waxaan leeyahay xukuumadda way ka go’an tahay doorashadu, waa la arki doonaa miisaaniyadda. Dawladda inay ka go’an tahay doorashadaasi waa arrin ka go’an weeyi. Markaa waxaan isleeyahay qolada axsaabta mucaaradka ah waa hadalkoodii caadiga ahaa iyo qof kursi doonaya oo doorashada hala qabto, hala qabto oo (Doorashada) xilligeeda halagu qabto, xaqbay u leeyihiin, laakiin tiiyoo aanay wakhtigii gaadhin, tiiyoo dawladdu miisaaniyaddii ay ugu talo-gashay dejisay oo ay hadda miisaaniyaddii ka muuqato, waxa la sheegayo ee barobagaandada ah ee dadka lagu kicinayo ee beenta ah, waxaan leeyahay dadka halaga daayo, qofkuna hadalkiis ha u meel-dayo, ayaan leeyahay,” ayuu yidhi Md Samaale.

Samaale waxa uu si adag u difaacay madaxweynaha majaraha u haya xukuumadda uu ka tirsan yahay, waxaanu yidhi, “Qolada Madasha waxba ka odhan maayo. Waxa malaha qumanayd inay labada xisbi mid galaan oo dee kursi ay iyaguna doonaan, oo haddii ay kursiga doonayaan ama ay WADDANI galaan ama ay UCID galaan oo meel ay kursiga ka doonayaan, ay muuqato,laakiin xukuumadda aan wada duminno wax sax ah maaha; xukuumaddani waa xukuumad dimuqraaddi ku timi, waa xukuumad umadi dooratay, kalsoonidii shacbigay ku fadhidaa, boqolkii Konton ayuu helay madaxweynaha maanta fadhiyaa, waanad ogeydeen doorashadii taas ka horreysay siddeetan codbaa madaxweynaha la yidhi waa lagaaga helay oo siddeed sannadood ayuu sugayey. Isaga oo boqolkiiba Konton ka badan helay bulshadan codkeedii oo kalsoonidaas ku fadhiya, durbaanka beenta ah ee qof aan cod haysani tumayaa ama qof la dooran waayey tumayaa ama qof aan xisbiba ku jirin tumayaa, waa wax umaddu arkayso oo aan qiimo lahayn.”

“Annaga waxa lanagula xisaabtami karaa xilkaan umadda u hayno inaanu gudanno iyo in kale, waananu gudanaynaa inta Illaahay naga waafajiyo. Qolada Madasha waxaan leeyahay ku biira xisbiyada Qaranka oo meel ka gala, qolada mucaaradkana waxaan leeyahay suga wakhtigiinoo, dee dawladdii la doortaybaa wali wakhtigeedii taaganyahee, suga oo doorashadana u diyaar-garooba, haddaydaan doorashada diyaar u ahaynna, dee in la idinka helo sidii awalba loo heli jiray ka baqaysaana, durbaanka kale ee beenta ah daaya baan leeyahay,” ayuu yidhi Md Samaale.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan si rasmi ah u gudo-galeen odoroska miisaaniyad sannadkeed 2015-ka oo uu sheegay inay si weyn uga dhex-muuqan doono kharashka doorashooyinka soo socda, taas oo uu sheegay inay golaha wakiillada u gudbin doonaan bisha tobnaad ee sannadkan.

Somalilandpost.net