Wasiir Sacad oo ka Hadlay Xilka Cusub ee loo Magacaabay

 

Hargeysa(SLpost):-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Sacad Cali Shire, oo shalay loo magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibada kadib markii uu Maxamed Biixi Yoonis iska casilay xilkan, ayaa Madaxweynaha ugu mahadnaqay xilkan cusub ee uu u magacaabay, waxaanu sheegay in sida ugu wanaagsan uu xilkan uga soo bixi doono.

Wasiir Sacad Cali Shire oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay loolanka loogu jiro musharaxnimada Kulmiye, waxaanu sheegay in xaq loo leeyahay Musharaxnimada, isla markaana uu Xsbiga Kulmiye leeyahay xeer iyo nidaan loo maro, “Waan ku faraxsanahay xilka Wasiirka ee Madaxweynuhu mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), uu I magacaabay, waana soo dhaweeynaya, waxaana ku dadaali doonaa haddii ALLE idmo sidii aan u gudan lahaa waajibkeedana ugu soo bixi lahaa hawshaas la ii igmaday, Bulshada Somaliland waxa aan ugu baaqayaa in dalka la ilaaliyo, in nabada la ilaaliyo, garna weynu u leenahay inaynu aqoonsi helno kana mid noqono Wadamada Calaamka, taasna ayeynu ku rajo weynahay”.

Wasiir Sacad Cali Shire oo wax laga weydiinay sida uu arko loolanka Musharaxnimada Kulmiye ayaa yidhi “ Kulmiye waa Xisbi jira oo sharci leh, oo xeer leh, oo nidaam leh, oo qaab dhismeed leh, dadku inay damac yeeshaan oo ay iska dhex sharaxaan Xisbiga  kulmiye xaq  ayey u leeyihiin  waxaana ku rajo weynahay in qof walba oo isa soo sharaxaa uu heli doono fursadiisa, kii doonaya in la doortana fursad uu heli, haddii nidaamka la mariyo, kii doonaya inuu doortana fursad uu heli uu wax ku doorto.

 

Source: Wargeyska Geeska Afrika