Wasiir Maxamuud Xaashi oo Jaaliyadda Sacuudiga ugu baaqay inay u Midoobaan Horumarinta Somaliland.

maxammuud xaashiJeddah (SLpost)- Wasiirka Madaxtooyada JSL, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Sacuudigu horumar balaadhan gaadhsiin karaa horumarinta xidhiidhka labada wadan, taageerooyin badana ku heli karo dalkeena, hadii ay wadajir ugu hawlgalaan.

Wasiir Maxamuud Cabdi iyo wefdi la socday oo socdaal ku jooga dalka Sacuudiga, ka dib markii ay soo guteen waajibaadkii Xajka, oo kulan kula yeeshay magaalada Jeddah Jaaliyada Somaliland ee ku nool shalay ayaa yidhi,

“Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilanyo markii ay xilka qabatay ma jirin xidhiidh Somaliland la lahayd wadamadda Carabta. Xidhiidhkii dawladaha Carabta ayaan kor u qaadnay. Xidhiidhkii dawladaha Afrikaanka waan sii kordhinay ee jiray iyo kuwii Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.

Wasiir Xaashi ayaa ugu baaqay Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku nool dalka Sacuudiga inay u midoobaan horumarinta noloshooda iyo danta dalkooda, waxaanu yidhi,

“Halkan Jaaliyad xoog-leh ayaad tihiin, hadii intiinan wada shaqeysaan iyo inta idinka maqan, wax weyn ayeynu meesha ka helaynaa. Mucaawinooyinka ha noqoto, Ururada Samo-falka ha noqoto, Cilaaqaadka siyaasiga ha noqoto, kuwa Ganacsiga ha noqoto, waxaan odhan lahaa isku-biira aqoon iyo waaya-aragnimo waad leedahiine, waxa idinka maqan keliya, sidaan u malaynayno, ururka, tabantaabada, tabaabushaha iyo Tawfiiqda, Ilaahay ha idin waafajiyo.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa u caddeeyey Jaaliyadda Sacuudiga in buuqa laga soo sheego hawlaha Dekeda Berbera yihiin dacaayado, waxaanu yidhi,

“Arrinka Dekeda Berbera ood la socotaan in lagu wareejiyey shirkada DP World, buuqa laga soo sheego dacaayad bay ahayd waad u jeedaan iyo warkaasi aanu war sax ah ahayn, dad Muslimiin ah ayeynu nahay, saraaxada iyo runtu waa wax wanaagsan, DP World waxaan dekeda ugu wareeginay inaan wax korodhsano, dalkana maanu xaraashayn, ummadana maanu rahmin, Ilaahayna nama badin, inaan ummadan wax u kordhino ayey ahayd” Ayuu sheegay. Isagoo hadalkiisa sii wata waxuu raaciyey.

“Qarankan Somaliland saddex sannadood gudahii inuu noqdo Qaran ganacsi weyn la leh wadamadda Itoobiya kow ka tahay, wax geyn kara, oo ka ganacsada oo adeegyadii soo celiya, hoos-u-dhaca ganacsi (trade deficit)-ka aynu ku jirno, aragtidaa mid sax ah ayaan u aragnay.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiska Somaliland la gashay shirkada DP World yahay mid anfaci doona dalka iyo dalka, waxaanu yidhi,

“Heshiiska aynu la galay shirkada DP World, waxaan u aragna oo aaminsan nahay inuu yahay heshiis taariikhi ah oo lafta, qodaxda iyo shillinta laga idleeyey.