Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Wasiiru-dawlihii Madaxtooyada Oo Xilalka wareejiyey iyo Arrimo ay ka hadleen

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada JSL Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiiru-dawlihii hore ee Madaxtooyada, ahna wasiir ku xigeenka  cusub ee Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Maxamed Muuse Abees, ayaa xilalkii Wasaaradda Madaxtooyada JSL maanta oo ay taariikhdu tahay 18-12-2017 ku wareejiyey Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda marwo Khadra Xaaji Gaydh.

Munaasibad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta madaxtooyada oo ay labadaasi masuul xilka kula kala wareegeen ayaa waxa ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka dalka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), madaxda iyo masuuliyiinta Madaxtooyada Somaliland.

099A4496Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada JSL Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaan ugu horayn jecelahay shaqaale weynaha kala duwan ee madaxtooyada ee halkan fadhiya ee lab iyo dhedigba ka kooban in aan ku boggaadiyo mudaddii aan halkan ka wada shaqaynaynay ee xilka qaranka iyo maysigan wada haynay ee dalka iyo dadka aynnu u wada adeegaynay, sidii aynnu isku kaashanay, sidii aynnu isu garabsanay aad iyo aad ayaan idiinku boggaadinayaa, waxaan qirayaa inaad door-weyn ka qaadateen shaqadii qaranka ee wasaarad ahaan aan odayga idiinku ahaa. Ma qabo aniguna inaan ahaa oday xun oo si xun idiin maareeyey ama idiin maamulay saaka hortiina ka faani maayo inaga oo kala tagayna laakiin isma lihi si xun ayaad u maamushay shaqaale weynaha madaxtooyada, runtii waxaan ku boggaadinayaa agaasimaha guud iyo agaasime waaxeed-yada sidii wanaagsanayd ee ay shaqada qaybtooda u qabteen, u maamuleen, kartida iyo hufnaanta lahayd iyagana gaar ayaan u boggaadinayaa.

“Muddadii labada sanno ahayd ee aan wasiirka Madaxtooyada ahaa tacab faro badan ma galin dhismaha iyo fayo-tirka wasaarada madaxtooyada gudaheeda, shan sanno waxaan ahaa wasiirka duulista fursadii aan halkaa helay halkan umaan helin waayo labadii sanno ee u dambeeyey waxaan mashquul ku ahaa hawlihii adkaa ee qaranka ee horeereeyey Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan u ahaa gacan-yare, waxay leeyihiin kaaliyeyaal iyo gacan-yaraal badan oo ay xilka u igmadaan anuu waxaan ahaa gacan-yaraha koowaad oo ay masuuliyadiisa ahayd inuu gufeeyo gal-daloolo kasta oo gabadano ka soo gali karto, dawladnimadu labada sanno ee u dambeeya way soo ururtaa dhibaatooyin badan ayaa ku furma, mar hadii xili doorasho loo dhaqaaqo waxaba dhici karta hadii habac ku yimaado inuu lumo habsani u socodka hawlaha dawladninmada oo dhami. Waxaan Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ka kaalmaynayey xilkii ummaddu u dooratay ee ahaa habsami u socodka hawlaha qaranka, kuwaas ayaan xoog ugu mashquulay ILAAHAY mahadii ceebi uma iman Madaxweyne Siilaanyo, bulshada Somaliland maanta waa ka markhaati xilkii qaranka ee adkaa inaan ceebi ka iman, hadii ceebi ka timaado KULMIYE-ba doorashada ma heleen”

Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Xilkii qaranka maanta laga bilaabo anaggu waannu ka nasanay, waxaanu boggaadinaynaa golaha wasiirada cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi cugtay iyo madaxweyne ku xigeenku, waxaan aaamin-sanahay inay yihiin gole tayo leh oo tiro yar, gole xaqiijin kara himiladii xisbiga KULMIYE iyo balanqaadyadii aannu bulshada u balan-qaadnay, intayada kalena maanta waannu daba-fadhinaa, raggayagii kale ee khibrada badan lahaana dabadooda ayaannu fadhinaa oo musdambeed baanu u nahay, meel cidlo ah mus-dambeed ka noqon maynee dawlad shaqaynaysa ayaannu annagu mus-dambeed ka nahay, meel cidlo ah mus-danbeed kama nihine, dawladd soo baxday oo dawladayadii ah oo xisbigayagi ah oo taanu dhisnay ah ee guulaysatay oo guushaa inteeda weyn aanu leenahay, tallo iyo tusaalena aanu la dabataagan nahay.”

Wasiiru dawlihii hore ee Wasaaradda Madaxtooyaa Md. Maxamed Muuse Abees oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Maanta waxa aynnu halkan isugu nimid inagoo muddo dheer soo wada shaqaynaynay oo faro badan oo duruufahuna kuwan maanta iyo kuwo ka gedisanba soo wada marnay, waxaannu halkan idiinka mahad-naqayaa sidii wanaagsanayd, ee hawl karnimada lahayd ee aad noola soo shaqayseen waan idiinka mahad-naqayaa, waxaan idiinka mahad-naqayaa waajibaadada iyo hawlaha adag ee ay dadku sahalka ku arkaan ee qiimiga iyo qaayaha leh haybadu ku dheehan tahay ee aad qabataan ee aanay dadku idiin ogayn, taana waan diinka mahad-naqayaa mar labaad.”

“ Wasiirka waxaan leeyahay runtii hawl aad iyo aad u baaxad leh oo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan oo ku soo wada-food dhacayey ayuu halkan ka hayey iyo tii gaarka ahayd oo u dheerayd, isagana hawshaa iyo juhdi dheeraadka ahaa ee uu sameeyey ee 24 saacadood habeen iyo maalinba wakhtigiisa aanu marnaba ka caajisin, isaga waxaan leeyahay ILaahay ha ka abaal mariyo, abaalkana dadkaaga iyo dalkaaga ayaad ka heli doontaa.” Ayuu yidhi Mudan Abees Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaarada warfaafinta JSL.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis ( Khadra Xaaji Gaydh) oo halkaasi ha hadashay ayaa tidhi “ waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa Wasiirka oo mudadii labada sanno ahayd ee aannnu halkan ka wada-shaqaynaynay shaqo aad iyo aad u qaaliya badan ay na dhex mareen, waxaan wasiirka uga mahad-celinayaa hawl karnimadii adkayd iyo sidii uu qaranka ugu soo shaqeeyey maalin iyo habeenba. Hadii wasiiro ay wakhti go’an shaqayn jireen oo ay 11-ka rawixi jireen waxaynu wasiirka u qiraynaa shaqaalaha iyo aniga oo agaasimihii guud ahiba inuu ahaa wasiir qaranka u horay wakhtigiisii ugu badnaa, waxaan leeyahay ILAAHAY ha kaa abaal mariyo.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isaguna ka hadlay munaasibadaasi waxaanu yidhi “ maanta sharaf weyna ayey ii tahay inaan ka soo qayb-galo munaasibada xil-wareejinta shaqaale weynaha madaxtooyada oo wasiirkii hore Maxamuud Xaashi uu ku wareejinayo Agaasimaha guud oo hawsha maanta sii haysa, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay wasiirka, wasiiru-dawlaha iyo agaasimaha guud mudaddii aannu soo wada shaqaynaynay ama hawshii ay soo qabteen, shaqaalahana waan u mahad-naqayaa, hawl badan ayaad soo qabateen, gaar ahaan hawshii u dambaysay ee xil-wareejintii uu culays badani inagu dhacay, oo ahayd xaflad aad u qiimo badan oo inoo dhacday ayaad ayaan idiinkaga mahad-naqayaa hawshaa aad qabateen.”

Sidoo kalena waxa maanta isna xilkii qaranka wareejiyey Wasiiru dawlihii hore ee Wasaarada Madaxtooyada, Mudane Maxmed Muuse Abees, loo hada noqday wasiir ku xigeenka  cusub ee Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, waxaanu xilkii Madaxtooyada ku wareejiyey Agaasimaha guud marwo Khadra Xaaji Gaydh. Isagoo mahadnaq balaadhan u jeediyey masuuliyiintii iyo shaqaalihii ay soo wada shaqeeyeen mudadii uu xilka wasiiru-dawlaha iyo la taliyaha madaxweynaha ka ahaa qasriga madaxtooyada.

https://youtu.be/SMCG7QI6ayo
https://youtu.be/E3eK6P7m5DY
https://youtu.be/k10eGIFqyqg
https://youtu.be/W5Mj3Ig6xhw