Wasiir Maxamed Biixi oo tacsi u diray Ehelkii iyo Bahda Saxaafadda ee uu ka baxay Maxamed-rashiid Muxumed Faarax

biixiHargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ehelkii, qaraabadii, Asxaabtii iyo Bahda Saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay ka tacsiyeeyay Geerida Alle ha u naxariistee Xoghayihii Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa.

Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax ayaa habeen hore ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo lagaga daawaynayey dhaawacyo ka soo gaadhay Shil baabuur oo isaga iyo laba suxufi oo kale ku galeen duleedka magaalada Berbera.

Dhambaalka tacsida ah ee wasiirka Maxamed Biixi Yoonis, ayaa u qornaa sidan: “Aniga oo ku hadlaya Magacayga, Magaca Bahda-waynta Wasaarada Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Magaca shacabwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa, Qoyska Reer Muxumed Faarax Caalim oo kala ah; Hooyo Sahra Xirsi Axmed, Jimcaale Muxumed Faarax, Axmed Muxumed Faarax (Awliyo), Caalim Muxumed Faarax, Khalid Muxumed Faarax, Xuseen Muxumed Faarax, Xamse Muxumed Faarax iyo Aamina-hana Muxumed Faarax, oo aan uga tacsiyaynayo geeridii ku timid Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo maanta oo ay taariikhdu tahay 30/12/2014 lagu aasay magaalada Hargeysa.

Waxaan sidoo kale tacsi taas la mid ah u dirayaa Bah-waynta saxaafada Somaliland noocyadeeda kala duwan ta Dawliga ah iyo ta Madaxa-banaan-ba. Waxaan sidoo kale tacsi taas la mida u dirayaa dhamaan Eheladii, Asaxaabtii iyo Dhamaan shacab-waynaha reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax gudo iyo dibad meel kasta oo ay joogaan. Waxaan aan leeyahay dhamaanteen Samir iyo iimaan. Marxuumkana waxaan ILLAAHAY S.W.C, uga baryayaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, su’aalaha qabrigana u fududeeyo. Dhamaanteen Samir iyo iimaan ha innaga siiyo.

INAALILLAAHI WA-INAA-ILAYHI RAAJICUUN”