Wasiir Ku Xigeeno Sheegay Inuu Dhamaaday Heshiiskii Haamaha Shidaalka Lagu Wareejinayay, Ciddii Is Hortaagtana Xadhig Ugu Hanjabay

????????????????????????????????????

7002

Hargeysa(SLpost)-Wasiir ku xigeenkada wasaaradaha warshadaha iyo xanaanada xoolaha ayaa ka hadlay haamaha shidaalka oo ay sheegeen in la wareejiyay, waxaanay salaadiinta iyo boqrada xidhan ku eedeeyeen kuwo si xun u hadlay.

Labadan masuul oo ka soo jeeda gobalka Saaxil ayaa si qaawan uga hadlay warbaahinta waxaan ugu horayntii halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka    warashadaha Cali Maxamed Axmed “Sanbeyste waa aniga suldaankaygii cid iga jecelina ma jirto waayo waa suldaankaygii oo ixtiraam gaar ah ayuu iga mudan yahay, waxaan idiin sheegayaa qaabka uu u hadlay ee ugu danbeeyay aniga uun maan dhaliiline dadkuba waa uu wada dhaliilay, waanan jeclahay isaga oo sidaas u hadlay hadana inaan u doodo oo aan yidhaahdo hala soo daayo oo qaabkeeda iyo wadadeeda ayaan u mari doonaa, buurmawadna hada uun lama xidhine dhawr jeer ayaa la xidhay, waxaanu ahaa suldaankii ugu mudada dheeraa ee xidhnaa, hadii inaga maanta mid laynaga xidhay Buurmadaw kun jeebaa la xidhay oo waxa uu ahaa madaxdhaqameedkii ugu mudada dheeraa, beeshaasna waa uu ka soo jeedaa,keenana maanta ayaa la xidhay, si qaawan aan u hadlee dawladana cidi inagama badsato qarankana cidi inoogama badna, bahashana cidi inoogam lexejeclo badana inagaa casimadii degan oo boqoka dolar ee Hargeysa soo gala sideedan inaga ayaa qaadanee bahasha aynu si fiican ula macaamilno.”

hqdefault (2)
Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadheer) ayaa isaguna sheegay in xukuumadii hore ee Somaliland ay dayaceen haamaha shidaalka, isla markaasna xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ay hagaajisay,waxaanu ku baaqay in sharciga loo hogaansamo.