Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga oo Xorriyaddiisa loo soo celiyey iyo Asbaabaha lala xidhiidhiyey sii-dayntiisa

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor, ayaa maanta xorriyaddiisa dib loogu soo celiyey, kaddib muddo dhowr bilood ah xabsiga Dhexe ee Hargeysa xukun dhowr sanno ah oo Maxkamadda gobolka Hargeysa ka soo saartay dacwad Xukuumaddu ku oogtay.

SACabdilaahi Abokor, ayaa xukuumaddu Xabsiga u taxaabtay badhtamaha sannadkii hore, ka dib markii ciidamo hubaysan wakhti habeennimo ah ku weerareen gurigiisa oo ku yaala xaafadda Jijiga Yar ee magaalada Hargeysa, kaddib markii lagu eedeeyey inuu ku hawlanaa falal ka dhan ammaanka, iyada oo sidoo kale loo haystay inuu aflagaaddo sharaftooda iyo karaamadooda wax u dhimaysa kula kacay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda.

Cabdilaahi Abokor oo madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday bishii May ee sannadkii hore, ayaa laba maalmood kaddib shaaca ka qaaday inay jiraan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo waddamada reer Galbeedku ku xidhiidhinayaan inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Xag-jirka ah.

Hadalkaas Wasiirka ka soo yeedhay, ayaa xiisad ka dhex-kiciyey xukuumadda Dhexdeeda oo si xun uga cadhooy eedaynta wasiirku jeediyey, waxaana wakhti habeennimo ah Gurigiisa ku weeraray ciidamada Ammaanka oo ka war-helay in Cabdilaahi Abokor Gurigiisa ku haystay Rag Hubaysan sida uu sheegay taliyaha booliska Somaliland, waxaana halkaas dagaal rasaas laysku adeegsaday dhexmaray ciidamada iyo Cabdilaahi Abokor.

Go’aan ka soo baxay Maxkamadda gobolka Hargeysa oo dacwadda loo haysto ka gar-naqaysay dabayaaqada sannadkii hore, ayaa Cabdilaahi Abokor ku ridday xukun saddex sannadood ah iyo ganaax lacageed, haseyeeshee go’aanka mar kale xorriyaddiisa dib loogu soo celiyey, ayaa la sheegay inuu ku yimi Cafis madaxweynaha Somaliland u fidiyey, kaddib markii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ka codsaday madaxweynaha in xorriyaddiisa loo soo celiyo Cabdilaahi Abokor.

HALKAN KA DAAWO CABDILAHAI ABOKOR OO XABSIGA DHEXE EE HARGEYSA LAGA SII DAAYAY