Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada oo Kormeer u kuur-gal ah ku tagay Xarumaha Waxbarashada iyo Maamulka ee Gobolka Selel

Saylac (SLpost)- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Mudane Cali Xaamud Jibriil ayaa Maanta hawlgal shaqo ku soo maray dugsiyada Waxbarasho iyo Xarumaha laamaha dawlada ee degmada Saylac ee Gobolka Selel .

Ujeedada kormeerka Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada ayaa salka ku haya  u dhaba galka xaalada guud  waxbarashada ee deegaamada gobolka Salal iyo sidii uu xog sugan uga heli lahaa.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Mudane Cali Xaamud Jibriil waxa uu warbixin ka dhagaystay Maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe iyo dugsiga sare ee Sacaadadiin Secondary School ee Magaalada Saylac waxaanu ku guubaabiyay inay dadaal xoogan muujiyaan si ay guulo uga soo hooyaan imtixaanka sannad dugsiyeedkan.

Wasiir ku xigeenku waxaa kale oo uu booqday dugsiga dhaqaalaha Guriga saylac, Xarunta dawlada hoose ee Magaaladaasi, oo sannadkan dhismayal badan laga hirgaliyay waxaa kale oo uu soo kormeeray jidka isku xidha saylac iyo toqoshi oo dawlada hoose ee Degmada Saylac ay dayactir ku samaysay

Waxaa kale oo uu booqday dekeda qadiimiga ah ee magaalada Saylac waxaanu xog warano la yeeshay maamulka gobolka, ka degmada iyo ka dekedaas Qadiimiga ah,Mudane Cali Xaamud Jibriil waxa uu dareensiiyay madaxda laamaha dawlada iyo dadweynaha ku nool magaalada saylac in mudadii xukuumada uu ka tirsan yahay ay hogaaminta qaranka haysay waxyaabaha la yaabka leh ee ay ku diirsadeen inay tahay in goboladu ku tartamaan horumarkooda isla markaana ay si wada jir ah Shacbi iyo dawladba gacmaha la isugu qabsado kor u qadista horumarinta gobolka Selel iyo sidii dhinac looga soo wada jeedi lahaa wax kasta oo nabadgalyada dalka saamayn ku yeelan kara.

SLpost News