Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta Oo Si Qoto Dheer Uga Warramay Heerarka Qorshaha Dhaqaalaha Somaliland Soo Maray

Stockholm, (SLP)- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda qorsheynta qaranka Somaliland Cabdikariim Axmed Mooge ayaa si qoto dheer uga warramay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray qorshaha horumarinta Somaliland iyo halka uu maanta marayo.CaBDIKARIIM-AXMED-MOOGE

Cabdikariim Axmed Mooge oo ku sugan dalka Sweden, isla markaana kulan la yeeshay, qaar ka mid ah jaalliyada magaalada Stockholm ayaa uga warbixiyay horumarka Somaliland ay ka samaysay kaabayaasha dhaqaalaha iyo doorka ay qurbejoogu ku leeyihiin. “Somaliland waxa ka go’an inay dhinaca dhaqaalaha koboc ka samayso, wasaaradda qorsheynta qaranka ee aan anigu ka tirsanahayna, markii ugu horeysay waxay samaysay qorshe cad oo qeexaya waddanka Somaliland sida loo horumarinayo shanta sanno ee soo socda baahiyaha yaalla iyo waxa laga qabanayo iyo baahi waliba halkay taalo iyo cidda qabanaysa iyo goorta la qabanayo. Arrimhaasi runtii waxay hagayaan in Somaliland aanay noqon meel isku dhex  yaacsan oo cid weliba ay tidhaahdo anaa wax qabanaya, laakiin waxa la qabanayo iyo goorta la qabanayo iyo meesha laga qabanayaa ay ku dhisnaato baahiyaha Somaliland yaalla in markaa sida ay u kala mudan yihiin loo kala horumariyo, haddii aanu qorshuhu cadeyna waa waxyaabaha keen in xaafaddaha iyo degmooyinku ay anaga..anaga. laakiin qorshe la wada leeyahay oo gunta laga soo dhisay haddii la sameeyo, qorshehaas ayuun bay cid weliba iska dhex eegaysaa.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda qorsheynta qaranka Somaliland Cabdikariim Axmed Mooge waxa kale oo uu ka hadlay halka dhismaha dhinaca dhaqaalaha ee dalku uu xilligan diirada saarayo, waxaanu yidhi. “Imikana qorshehaasi wuxuu dhiirigelinayaa oo uu xoogga saarayaa mudnaantana siinayaa in dib loo dhiso waddooyinka. Sidoo kale waxa uu xoogga saarayaa in madaaradda aynu dhisano, isla markaana dekedaha la horumariyo, dhinaca kalena biyaha iyo tamarta aynu horumar ka gaadhno, waayo haddaynaan tamarta horumarin waxa adkaanaysa warshadaynta waddankeena. Sidoo kale waxa uu xooga saarayaa dhinacyada wax soo saarka iyo dhaqaalaha, kuwaasoo ay ka mid yihiin kalluumaysiga, xoolaha iyo beeraham, si markaa loo hirgeliyo qorshahaasi, waxa uu isticmaalaya tabo kala duwan wuxuu dhiirigelinayaa in ganacsatadu ay maal-geshi ku sameeyaan wax soo saarka. Sidoo kale waxa uu xooga saarayaa in qurbe-joogu ay doorkooda qaataan.”

Somalilandpost.net