Wasiir ku-xigeenka Amniga oo ka hadlay Shuruuc ay u gudbiyeen Golaha Wasiiradda

Hargeysa, 04 April, 2012 (SLpost)- Wasiir ku Xigeenka Amniga Qaranka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa Maanta cadeeyay in Golaha Wasiirada ay u gudbiyeen Xeerka Ciidanka Booliska isla markaana ka hadlay arrimo ku saabsan nabadgalyada guud ee Qaranka.
Wasiir ku Xigeenka Amniga Qaranka waxa uu si qotodheer u sharraxay qaabka ay nabadgalyada guud ee Wadanku ku salaysan tahay Iyo qorshayaasha ay wasaarad ahaan ku guda jiraan Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay inuu maalmo kooban ku magacawnaa xilka Wasiir ku xigeenka amniga qaranka isla markaana ay xaalada guud ee dalku ay meel Wanaagsan marayso .
Cabdilaahi Abokor Cismaan waxa uu xusay in Qorshaha dhaw ee ku talo galka Wasaaradani yahay sidii dibu habayn loogu samayn lahaa ciidanka booliska waxaanu intaas inay Golaha Wasiirada u gudbinayaan Xeerka Ciidanka booliska iyo ka amniga qaranka.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland