Wasiir ka tirsan Xukuumadda Pakistan oo Abaalmarin u Ballan-qaaday Cidda Khaarajisa Ninka Sameeyey Filimka lagu af-lagaadeeyey Diinta Islaamka (DAAWO)

Peshawar (SLpost)- Wasiir ka tirsan xukuumadda dalka Pakistan, ayaa sheegay inuu abaal-marin boqol kun oo doolar ah siin doono ciddii disha ninkii sameeyay filimka rabshadaha dhaliyay ee lagu aflegaadeeyay Nebi Muxamed (NNKHA).

Sida uu faafiyay wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska, wasiirka tareennada ee Pakistan Ghulam Ahmed Bilour, waxa uu shir uu saxaafadda ugu qabtay magaalada Peshawar ku sheegay inuu abaal-marin £61,600 Gini ah, una dhiganta $100,000 (boqol kun oo doolar) siin doono qofkii dila ninka filimkaas oo Maraykanka laga soo saaray sameeyay. “Waxaan walaalaha Daalibaan iyo walaalaha Al-Qaacida ku casuumayaa inay igala soo qayb-galaan hawlgalka barakaysan. Sidoo kale, kuwa kalena waa inay ku soo biiraan shaqadan wanaagsan, Illaaahay idamkiina weligii wuu guulaysanayaa (hawlgalka dilista ninka filimka sameeyay). Waxaan siin doonaa $100,000, cid kasta oo soo disha kuwa filimkan sameeyay,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirku waxa uu kooxaha Daalibaan iyo Al-Qaacida ku booriyay inay ugaadhsadaan soo saaraha filimkaas oo rabshado badan ka dhaliyay dunida Islaamka.

Dhinaca kale, xukuumadda Pakistan ayaa jawaab diidmo ah ka bixisay dhawaaqa wasiirkaas ee abaalmarinta loo ballanqaaday cidda disha kuwa filimka diinta Islaamka lagu aflegaadeeyay sameeyay.

Afhayeen u hadlay Raysal-wasaaraha Pakistan,  ayaa sheegay in dawladdu cambaaraynayso dhawaaqa wasiirku lacagta ku ballanqaaday.

Dhawaaqani waxa uu ku soo beegmay maalin ka dib markii ilaa 20 qof ku dhinteen dibad-baxyo rabshado watay oo ka dhacay gudaha dalka Baakistaan, kuwaasoo lagaga soo horjeeday filimkaas Internetka lagu baahiyey.