Wasiir Geel-jire oo si adag u difaacay Lacagta loo ururinayo Dadka Macaluushu ku hayso Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jire), ayaa sheegay inay daruuri tahay in loo gurmado walaalaheena ku tabaalaysan abaaraha iyo macaluusha ka taagan dalka Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu ka soo hor jeedsaday hadal ka soo yeedhay qaar ka mid ah culimada oo ka biyo diiday lacagta loo ururinayo Dadka Macaluushu hayso ee reer Soomaaliya.

“Ummad muslim ah oo dhibaataysan oo aad walaalo tihiin oo Gaalladiiba lacag u gurayso, damiirka ayaaba ku siinaya inaad caawiso waana waajib diiniya oo ILAAHAY khayr kugu siinayo sidii ay culimaddu nagu tidhi haddii ay culimada qaar maanta bedelayaan Sadaqadii oo ay lecithin waajib maaha,dee culimada kale kitaabadooda ha tusaan halka ay ka soo heleen,”ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysigu.

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Laakiin Kitaabkii iyo xadiiskii aanu naqaanay waxa ku cad Sadaqada waana waxa kaliya ee shar kaa badbaadinaya, janadana lagu galo waa camalka kaliya ee qofku marka uu dhinto u soconaya waxaana ka mid ah sadaqada jaariga ah ceel biyood aad qodo iyo masaajid aad dhisto.”

Md. Cabdilaahi Geel Jire oo ka hadlayay Dadka ku macaluulsan abaaraha Soomaaliya waxa uu yidhi “Waa ummad Soomaaliyeed, waa ummad dhaqan, jiidh, wada dhalasho iyo diiniba inaga dhaxayso. Wadamada uun baa inoo kala duwan oo laba dal ayaynu kala leenahay. Waa duruuri Inaynu ku caawino wixii aynu ku dhaano haddii ILAAHAY nabad-gelyo iyo Roob ina siiyay.”

Somalilandpost.net

somalilandpost08@gmail.com

Wasiirka oo caawa u waramayay TV-ga Horn Cable waxa uu sheegay inay xiligan aad u ilaaliyaan hayrack badda isagoo tilmaamay inay maraakiib tiro yar ay siiyeen ruqsada kalluumaysiga.

Guddi ka kooban todoba Wasiir isla markaana ay xubno ka yihiin Culimo iyo ururada bulshada Somaliland ayaa dhawaan u uruuriyay dada ku macaluulsan dalka Soomaaliya lacag qadarkeedu dhan yahay 26 kun oo Doolar, waxaana la filayaa in dhawaan deeqdaasi ay gaadhi doonto dadkaasi abaaraha kululi tabaaleeyeen.

Hadalka Wasiirka ayaa si dadban jawaab ugu ah Sheekh Aadan Siiro oo si Naqdiyay lacagaha loo Ururiyay Soomaaliya waxaanu ku dooday inay jiraan dad badan oo baahan oo degan gudaha Somaliland, hase yeeshee hadalkan Sheekha waxa doomsday qeybaha kala duwan ee bulshada oo ku sifeeyay inuu siyaasadaynayo gargaaarka Macaluusha Soomaaliya.

Somalilandpost.net

Somalilandpost08@gmail.com