Wasiir Duulista oo Hortagay Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka oo Wax ka Weydiisay 10 Dollar oo laga Qaado Rakaabka Diyaaradaha

Hargeysa (SLpost)- Guddida ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta Warbixin ka dhagaystay  Wasiirka wasaaradda Duulista iyo hawada Md maxamuud Xaashi cabdi.

Wasiirka oo maanta hor tegay gudigaasi ayaa warbixintiisa waxaa qayb ka ahayd waxyaabahii ay wasaaradiisu culayska saartay mudadii uu xilka hayey iyo waxyaabahii u qabsoomay.

Md xaashi oo ka hadlayey lacagaha lagu qaado madaarada dalka ayaa sheegay inay wasaarada ahaan  qaadaan lacag sadex doolar ah oo garoomada lagaga  qaado dadka safarka ah lacagtaas oo ah mid ay golaha wakiiladu hore u ansixiyeen, halka sidoo kalena uu jawaab ka bixiyey lacag 10 doolar ah oo aan weli la ansixin oo laga qaado dadka la mariyo qalabka baadhista ammaanka, dhowaana uu hor keeni doono golaha wakiilada.

Maxamuud Xaashi CabdiWasiirka Duulista oo ka hadlay waxqabadkii wasaaradda waxa uu sheegay in madaarada dalka qaarkood la hagaajiyey kuwo kalena dayactir lagu wado, taasoo keentay in shirkado hor leh oo diyaaradeed lagu soo xidhay wadanka kuwo kalena dib loo soo celiyey sida shirkadda Itoobiyaan Airlines.

Wasiirka oo ka hadlay waxqabadyada ay ka fuliyeen madarrada dalka waxa uu yidhi, “Dhalinyaro badan oo ka soo baxday Jaamacadaha ayaanu ku soo kordhinay oo Wasaaraddu waxay u badnayd Dad waawayn oo aqoontaas ku duugan lagalo hadho. Waxaana ka shaqeeya Hayado badan oo leh Laanta Socdaalka, Maaliyadda kuwaas oo aanu samaynay wada-shaqayn is ku xidh leh oo waxay leeyihiim Direes lagu garan-karno iyo Eediyo kaadho oo Dadka soo dagaaya waa inay garan karaan shaqaalaha Madaarada. markaa waxaad Madaarada Dalka aad ku arkaysaa shaqaale kasta waxa uu leeyahay Direys gaar ah, ilaaladu waxay leeyihiin calaamad u gaara, waxa kale oo aanu ku samaynay qalab ka hortaga Qaraxyada iyo Mashiino Dawlada Ingiriisku nagu caawisay. Taasoo oo markii hore suurta galisay Diyaarado badan oo amnidarro awgeed uga tagay, waxaana ka mid ahaa Diyaaradda Itoobiya oo imika dalka dib ugu soo noqotay markii ay arkeen siistamka Madaarada in wax badan laga beddelay oo aynu qaadnay hab sida Caalamka oo kale ah,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Duulista, Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cabdi.

Md Maxamuud Xaashi Maxamed waxa uu ka hadlay dhismaha ku socda madaarka magaalada Hargeysa oo uu sababeeyey dib-u-dhac ku yimi wakhtigii loogu talogalay, isaga oo sheegay dawladda Kuwait oo ku deeqday Maaliyadda lagu dhisayo ay gacanta ku hayso kharashaadka Dhismaha madaarka oo uu sheegay in wejigiisii kowaad dhismuhu dhammaaday, waxaanu yidhi, “Madaarka Hargeysa waxa laga dhisayaa (Run way) 2.4km ah immika waxa dhamaaday wejigii koowaad, waxaanu dhisnaa muddo dheer ilaa 1958-kii oo wuu daalay, Biyo ayaana hoostiisa galay, markaa dhammaantii dib ayaa loogu wada noqonayaa. Wejiga labaadna waxa la bilaabayaa todobaadkan. Madaarka Hargeysa dhaqaalihiisa waxa gacanta ku haya Dawlada Kuwayd waxayna ugu talo galeen 15 bilood inay ku dhameeyaan dhismihiisa, markaa waxaanu jecel nahay inuu ka soo gaabiyo Madaarka Hargeysa maadaama uu yahay Caasimadii oo uu culays ku haya qaranka. Runtii wuxuu culays badan  naga haystaa oo wax yaalaha dib-u-riixa ka mid ah qalabka lagu dhisayo oo laga keenayo dibadda oo tayadooda ayaa la badhaa, hadday tahay Daamur, Sibidh iyo Jayga waxaas oo dhan waxa loo qaadaa oo lagu soo badhaa Itoobiya. Labada marshuuc wax ka xumi majiraan oo inagu waxaynu nahay Dadka wax loo dhisayo, markaa marshuucani waxa uu dhamanayaa bisha saddexaad dabayaqadeeda oo qorshe aanu ku heshiinay ayaa jira. Diyaarado badan oo Caalamiya ayaa imanaya marka Madaarka lafuro oo ay ka mid yihiin Turkish Airline iyo Kenya Airline oo markay arkeen amniga naga soo dalbaday falaydyo, iyaga oo arkay in siistamkii Madaarada Somaliland ay kor u kaceen.”

Somalilandpost.net/Hargeysa

contact@somalilandpost.net