Wasiir Cukuse Oo Sheegay Inuu Codkiisa Siinayo Musharaxiinta Isbahaystay, Kana Waramay Sababta uu Wasiiradii Iscasillay uga Hadhay

 

Hargeysa(SLpost) Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa shaaciyay inuu codkiisa siin doono musharaxiinta isbahaystay marka la gaadho shirka golaha dhexe ee Kulmiye.

 

Waxa uu sheegay in Email-kiisa iyo teleefankiisaba lagaga soo wareeriyay sababta uu uga hadhay musharaxiinta isbahaystay iyo masuuliyiintii iscasilay ee uu ka mid ahaa, balse wuxuu ku dooday inuu madaxweynaha kala xishooday inuu xilkaasi iska casilo. Waxa uu sheegay in isagoo xilka haya uu haddana la socdo musharaxiinta isbahaystay.

 

Wasiir Cukuse ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay madaxtooyada oo ay xilalka kulk ala wareegayeen  wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiirka cusub Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

Wasiir Cukuse waxa uu sheegay wanaag iyo adadayg ragganimo oo uu labada masuul ee xilka la kala wareegaya ku yaqaanno “Wasiir Xirsi in uu nin adag yahay baan qirayaa, waxa kaloon qirayaa in uu Maxamuud Xaashi yahay wasiir khibrad leh. Maxamuud Xaashi waan la shaqaynayaa oo saaxiib baan noqonaynaa, Xirsina sidii aan saaxiibka ula ahaa ayaannu dibadda saaxiib ugu ahaanayna”
Mudane Cukuse ayaa waxa uu ka hadlay sababta uu uga hadhay saaxiibadiisii iscasillay “Xirsi iyo Saaxiibadii kale ee xukuumadda ka baxay dhammaantood waxa ay ahaayeen saaxiibaday, dabadeedna su’aasha ugu badan ee emailkana iga buuxisay tilifoona igu wareerisay ay tahay “Saaxiibadaa maxaad uga hadhay?”. Saaxiibaday wixii u  aannu balansanayn waxa uu ahaa in aannu codka dhinac u wada ridno, imikanaa codka dhinacoodii baan u ridaynaa, Laakiin waxa aan la shaqaynayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo inta aan xilka hayo”

 

 

Waxa kale oo intaa ku daray xagga uu madaxweyne Siilaanyo ku leeyahay iyo in uu isagu kala xishooday in uu is casillo “Madaxweyne Siilaanyo aniga wuu I magaacabay wuu I sharfa isagaa xaqaa lahaa in uu I magcaabo, isagaana leh xaqa ah in uu xilka iga qaado. Laakiin anigu Xaga ah in aan is casillo Axmed Siilaanyo waan kala xishooday” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir Cukuse.